Jawaari iyo Faarax C/qaadir oo keenay siyaasado cusub oo doorashada ku…

Muqdisho (Caasimada Online) – Illo xog-Ogaal ah oo ka tirsan Golaha shacabka, ayaa inoo xaqiijiyay inay jiraan dadaalo gooni ah oo ay wadaan Guddoomiyaha Baarlamaanka Jawaari iyo Wasiirka Dastuurka Faarax C/qaadir.

Illo wareedka ayaa sheegaya in Prof Jawaari iyo Faarax C/qaadir, ay ku howlan yihiin wax kabadalida qodobo yar oo ku jira Dastuurka ee ka hor imaan kara Doorashada iyo qaabka ay u dhaceyso.

Sidoo kale, illo wareedka ayaa intaa kusii daraaya in bedelka sida hoose loogu sameynaayo Dastuurka uu yahay mid lagu xalaaleysanaayo muddo kororsi lagu sameeyo Dowlada Federaalka, waxaana la Tilmaamayaa in Arrintaasi ay tahay mid aan dhaafsaneyn Madaxweynaha, Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Wasiirka Dastuurka, inkastoo ay warar hoose tibaaxayaan in Ujeedka Faarax loogu dhiibay xilkaasi ay tahay inuu rogo siyaasada ka hor imaan karta Dowlada Xassan.

Wasiir Faarax ayaa isagu gacanta kula jiro Dastuurka si qalqal loo galiyo goorta lagu ballansan yahay Doorashada oo ay waxyar ka harsan tahay, waxaana Magaalada Muqdisho ka soconaaya kulamo u dhexeeyo Siyaasiyiinta iyo Saraakiisha Dam-Jadiid kuwaasi oo ka arinsanaaya qaabka ugu sahlan ee lagu jaan rogi lahaa Nidaamka ka hor imaan kara Xil kororsiga iyo damaca Siyaasadeed oo ay kusoo sharxayaan Kooxda Madaxweyne kale oo iyaga u taagan.

Waxaa Magaalada Muqdisho laga dareemayaa Siyaasado kacsan oo ay naas-nuujineyso Dowlada Federaalka, taasi oo ay isku uruursanayaan Dam-jadiid, maadama ay muddo kooban ka harsan tahay dhicida Xukunka Dowladooda.

Dhanka kale, Qorshaha lagu jaan-rogaayo qodobo yar oo ka tirsan Dastuurka, ayaa waxaa isla daadihinaayo Seddexda Mas’uul ee aan kor kusoo xusnay, wallow ay jiraan Siyaasado taa kasoo horjeeda oo ay wadaan Xildhibaano, Odayaal iyo Siyaasiyiin mucaarad ku ah Dowlada Madaxweyne Xassan.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

caasimada@live.com