Xildhibaanno kale oo tagay PUNTLAND iyo weerar ay ku qaadeyn DF SOMALIA

Garoowe (Caasimada Online) – Magaalada Garoowe ee xarunta Puntland waxaa gaaray xildhibaanno kale oo ka soo jeeda deegannada Puntland kuwaasoo ayiday baaq uu horrey u soo jeediyay madaxweyne Cabdiweli Gaas.

Xildhibaannada oo ka tagay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in u tageyn Garoowe siddii ay kulamo ula yeelan lahaayeen madaxda iyo shacabka reer Puntland.

Xildhibaannadaas waxaa ka mid ah Cabdi Barre Yuusuf Jibriil, wuxuuna warbaahinta u sheegay in ay kulamo la yeelan doonaan mas’uuliyiinta maamulka Puntland isla markaana ay soo dhaweenayaan baaqa ka soo yeeray madaxweynaha Puntland.

Wuxuu sheegay oo kale in ay taageersan yihiin go’aanka madaxweynaha uu xiriirka ugu jaray dowladda dhexe waxaana la rabay ayuu yiri in kal hore siddaas la sameeyo.

Waa qeybtii labaad oo xildhibaanno ka soo jeeda deegannada Puntland ay gaaraan magaalada Garoowe, waxaana arrintaas ay ka dambeesay markii madaxweyne Cabdiweli Gaas uu muddo 15 maalin u qabtay xildhibananada iyo dadkale ee ka soo jeeda Puntland ee dowladda ku jirra ay ku soo gaaraan Garoowe.

Magaalada waxaa horrey u tagay lix xildhibaann oo ay ka mid ahaayeen Xasan Abshir Faarax iyo Maxamed Cabdi Yuusuf, xildhibaannadaas ayaa ka tagay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garoowe

Caasimada@live.com