Ismaacil Cumar Geelle oo Washington ka sheegay war naxdin galiyay Xasan

Muqdisho (Caasimada Online)– Iyadoo uu shir Ballaaran maalmahaani Madaxda Qaarada Afrika uu uga soconayo Magaalada Washington ee Dalka Mareykanka, ayaa waxaa madaxweynaha Jabuuti uu sheegay in beesha caalamka aysan aamin karin dowladda Soomaaliya.

Madaxweynaha Dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo arrintaasi ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in Beesha Caalamka ay Soomaaliya siin la’dahay dhaqaalihii loo yaboohay, ayna ugu wacan tahay amni darrada ka jirta dalka.

Madaxweyne Geelle waxa uu Daboolka ka qaaday in wajiga lagu siin lahaa dhaqaalaha Dowlada Federaalka uu yahay xaqiijinta Ammaanka, balse ay ku fashilintay Ammaanka iyo Horumarka Somalia.

Halkan ka dhageyso Ismaaciil Cumar Geelle

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

caasimada@live.com