Xiisad dagaal oo ka taagan Garoowe & maleeshiyo FAROOLE ku beel ah oo….

Garoowe (Caasimada Online) –  Xiisad dagaal iyo guluf colaadeed ayaa laga dareemayaa magaalada Garoowe, kadib markii ciidamo u abaabul qaab beeleed lasoo dhoobay gudaha iyo daafaha magaalada Garoowe, kuwaasi oo ka careysan xil ka qaadis uu Madaxweynaha Puntland ku sameeyay saraakiil kasoo jeeda beesha Faroole ee Ciise Maxamuud.

Maliishiyadaas ayaa dorraad la wareegay gacan ku haynta Telefishinka Puntland TV iyo Idaacada, balse ay kaddiib ka saareen odayaal. Si kastaba, xiisadda ayaa weli taaggan, waxaana maleeshiyada ku beesha ah Faroole ay aaminsan yihiin in Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas uu wado xilal ka qaadis lagu colaadinayo hal beel kaliya xil ka qaadistaasi.

Xubnaha xilalka laga qaaday ayaa waxaa ka mid ah Cumar Cabdullaahi Faroole oo ah wiil uu adeer u yahay Madaxweynihii hore C/raxmaan Faroole, isla markaana uu ka dhigay Taliyihii Madaxtooyada Garoowe, Taliye ku xigenkii ciidanka booliska Gen.Muxiyaddiin Axmed Muuse iyo Agaasimihii Puntland TV Axmed Maxamed Cali (Kismayo).

Isimada kasoo jeeda gobolka Nugaal oo uu horkacayo Suldaan Siciid Maxamed Garaase iyo Islaan Ciise Islaan Maxamed ayaa ku guuleystay in si nabad ah maliishiyadan ku heybta ah ka kaxeeyaan xarunta TV iyo Raadiyaha Puntland, waxayna ku baaqeen in wada hadal arintan laga galo. Weli lama shaacin xilliga uu wada-hadalka dhici doona, waxaana la sheegay in Maleeshiyada reer Faroole ay feejignaan ku jiraan.

Xaalada ayaa hadda ah mid degan walow mar walba la filan karo isku dhacyo kedis ah, maadaama magaalada ay ku wada sugan yihiin ciidamo iska soo horjeeda oo is colaadinayo, waxaana socda shirar lagu xalinayo dhibaatadan.

Caasimada Online

Xafiiska Garoowe

Caasimada@live.com