Garyaqaanka Guud ee DF oo ayiday go’aanka ay maxkamadda ku laashay 8 kursi

Muqdisho (Caasimada Online) – Qoraal kasoo baxay Xafiiska Garyaqaanka Guud ee dowlada Federaalka Somalia Dr. Cusmaan Cilmi Guuleed ayaa lagu xaqiijiyay sax ahaanshiyaha go’aanka ay Maxkamadu ku laashay 8 kursi ee BFS.

Garyaqaanka Guud ayaa qoraalkiisa ku sheegay inuu ayiday xukunkii ay riday Maxkamadda sare ee lagu diiday go’aanka Maxkamada.

Garyaqaanka Guud ayaa sidoo kale amray in la dhaqan geliyo xukunka Maxkamadda warqada sumadeedu yahay Ms/119/2017 ee soo baxday 22-kii bishii hore.

Go’aanka Maxkamada ayaa waxaa laalay Xildhibaanada Baarlamaanka oo wax kama jiraan ka dhigay go’aanka.

Go’aanka Maxkamadu waxa uu muran u abuuray Xildhibaanada iyo Maxkamada Sare oo aan isku fahansaneyn.