Gedo: Sarkaalkii lagu eedeeyey weerarka Macalimuu oo xog cusub bixiyey

Garbahaarey (Caasimada Online) – G/Sare Cabdullahi Aadan Warfaa oo ah taliyaha ciidamada guutada Gedo ee militeriga Soomaaliya ayaa ka jawaabay eedeymihii uga yimid guddoomiyihii hore ee gobolka Gedo Cusmaan Nuur Xaaji Macalimuu.

Guddoomiye Macalimuu ayaa sheegay in xalay gurigiisa ay ku soo weerareen ciidamo Farmaajo ku beel ah oo Taliye Warfaa uu u soo diray, balse uu iska difaacay.

Sidoo kale guddoomiye Macalimuu ayaa sheegay in ciidamadaas ay tiro ahaan gaarayeen 50 askari, sababta loo soo weerarayna wuxuu ku sheegay in siyaasad ahaan uu taageeray maamulka Jubaland, taasna ay ka xumaadeen maamulka iyo saraakiisha ciidamada ee ku sugan gobolka Gedo.

Gaashaanle Sare Cabdullahi Aadan Warfaa oo BBC la hadlay ayaa iska fogeeyey eedeynta ah in xalay uu gurigiisa ku wareeray guddoomiye Macalimuu, balse wuxuu qirtay inuu xubno saraakiil ah u diray.

“Macalimuu nin sarkaal ah waaye oo ciidanka aan madaxda u ahay ayuu ka tirsan yahay, marka cidna ma weerarin ee taleefan hala iigu geeyo ayaan iri, si aan ula hadlo,” ayuu yiri, Taliyaha ciidmaada guutada 10-aad ee gobolka Gedo.

Taliye Warfaa ayaa intaas ku sii daray in Macalimuu uu kala hadli rabay arrimaha siyaasadda ee uu Facebook-giisa ku qoro, maadaama uu yahay sarkaal ciidan, ciidankana ay mamnuuc ka tahay ka hadalka siyaasadda.

“War siyaasadda maxaa ku geliyey nin ciidan ah ayaa tahaye inaan dhaho ayaan rabay, seddax sarkaal ayaan u diray, kadib markii aan talefankiisa waayey, sarkaal aan ku kalsoonahay ayuuna ahaa, hadii la weerarayna dhimasho iyo dhaawac ayaa meesha ka dhici lahaa, balse warkaas waa been,” ayuu yiri Taliye Cabdullahi Warfaa.

Mar la weydiiyey qoraalka ay dhibsadeen ee Macalimuu uu soo dhigay wuxuu ku jawaabay, “Horta anagu amniga gobolkaan ayaan qaabilsanahay Macalimuu wuxuu soo qoray in hadii Gedo doorasho lagu qabanaayo inuu dib ula wareegi doono xafiisyadii uu maamuli jiray, arrintaasna hadda inuu ka hadlo kuma haboona, ninkaan guddoomiye ayuu soo ahaa jiray dadkan waa ka tarxiili jiray gobolkaan cidii ka hor imaata.”