FARMAAJO oo war kasoo saaray weerarkii maanta ee Villa Hargeysa iyo dilka Bedel

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha mudo xileedku ka dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyeeyey geerida Allaha u naxariistee, Abwaan Beddel Jaamac Xirsi oo caawa lagu dilay degmada Kaxda ee magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale caafimaad degdeg u rajeeyey muwaadiniinta uu dhaawacu ka soo gaaray weerarkii hoobiyaha loo adeegsaday ee maanta lala beegsaday xarunta baarlamaanka ee Villa Hargeysa, kuwaas oo labo ka mid ah ilaalada Cabdiraxmaan Cabdishakuur ay ku jireen.

Madaxweyne Farmaajo ayaa xusay in Marxuum Beddel Jaamac Xirsi uu ahaa abwaan iyo nabaddoon lagu yiqiin samadoonnimo, waddaniyad iyo dal jacayl, isaga oo door lama illaawaan ah ka qaadan jirey wacyigelinta bulshada, nabadaynta, dowlad-dhiska dalka.

“Alle ha u naxariistee Marxuum Beddel Jaamac Xirsi waxaa uu ahaa haldoor, abwaan iyo nabaddoon bulshada ka wacyi gelin jirey aafada qabyaaladda, kalatagga iyo aayo-xumada colaadaha, waxaana uu mar walba ku baraarujin jirey taageerada dowladnimada, midnimada iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed. Waxaan xanuunka tacsida la qaybsanayaa ehelka Marxuumka iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraal uu soo saaray xafiiska Farmaajo.

Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa cambaareeyey weerarkii hoobiyaha loo adeegsaday ee maanta lagu qaaday xarunta Villa Hargeysa.

Farmaajo ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in meel looga soo wada jeesto ficillada gurracan ee kooxaha argagixisada ah, si buuxdana loola shaqeeyo ciidamada qaranka ee maalin iyo habeen u taagan sugidda amniga dalka.

Kooxo ku hubeysan Bistoolado ayaa salaadii Maqrib kadib banaanka Masaajid ku yaalla degmada Kaxda waxay ku toogteen Allaha u naxariistee Abwaan Bedel Jaamac oo isla goobta ku geeriyooday, waxaana goobta ka baxsaday ragii dilay marxuumka.