Geelle oo sheegay arrinta ay xilligaan si weyn ugu baahan tahay Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo khudbad ka jeediyay casho sharaf xalay Madaxtooyada Soomaaliya loogu sameeyay ayaa sheegay in maanta dalkeena u baahan yahay isku duubni.

Madaxweyne Geelle ayaa bulshada Soomaaliyeed usoo jeediyay in la xoojiyo midnimada iyo garab istaagga dowladda iyo madaxda hoggaamineysa.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in la joogo waqtigii diiradda la saari lahaa midnimada, horumarka iyo xoojinta howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab, si looga gungaaro abaabulka xooggan ee socda, sida uu hadalka u dhigay.

“Maxaan iraahdaa, Mahadsanid keliya miyaa dhahaa, kuma filna balse waxa aan leeyahay allaha idin barakeeyo, Horumar noo iftiimayo ayaan aragnaa, Hodannimo noo iftiimeysa ayaa inoo muuqata.”

Madaxweyne Geelle ayaa sheegay inuu u muuqdo waxqabadka laga sugayo dowladda federaalka, sidaas awgeedna guud ahaan shacab iyo madax looga baahan yahay in la rumeeyo riyooyinkaas.

“Madaxweyne Xasan Sheekh Soomaalida waxay usoo ceshatay ayay qabtaa, mar labaad haddana xariga qabo la yiri, anaga waan ku duceynay aad baan usoo dhaweynay, isaga iyo odoyada la shaqeynaya in ay isku duubnaadaan annaga ayaa dooneyna, Soomaaliya maanta waxa ay u baahan tahay Midnimo, isku duubnimo & dagaal mid ah in lawada galo.”

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in dowladdiisa ay garab-taagan tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, si ay uga gudbaan duruufaha kala duwan ee heysta oo ugu horeeyo amniga.