Midowga Yurub oo Somalia siinaya taageero difaac oo la mid ah tan Ukraine uu siiyo

Brussels (Caasimada Online) – Ururka Midowga Yurub ayaa ka fakaraya inuu taageero maaliyadeed oo culus siiyo ciidamada qaranka Soomaaliya, xilli ay guulo la taaban karo kasoo hoyeen dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Hay’adda European External Action Service (EEAS), oo Midowga Yurub u qaabilsan arrimaha dibedda iyo gaashaandhigga, ayaa lagu warramay inay diiradda saareyso Geeska Afrika, gaar ahaan Soomaaliya.

Dhowrkii toddobaad ee tegay, Josep Borrel, oo ah wakiilka sare ee Midowga Yurub ee siyaasadda arrimaha dibedda iyo amniga iyo kooxdiisa, ayaa ka shaqeynayey dhowr xaaladooda oo lagu taageerayo ciidamada xoogga Soomaaliya illaa sanadka 2024.

Lacagta guud ee ururka uu ka fakarayo inuu ciidanka Soomaaliya ku taageero ayaa ah €30 milyan, waxaana la qorsheyn doonaa ayada oo ay qeyb ka tahay mashruuca European Peace Facility (EPF).

Hindisaha European Peace Facility (EPF) ayaa ah midka Midowga Yurub uu u adeegsado inuu ku taageero ciidamada Ukraine ee dagaalka kula jira ciidamada kusoo duulay ee Ruushka.

Hindisahan ayaa sidoo kale horey loogu taageeray ciidamada dhowr dal oo ka mid ah Afrika, waxaana ugu dambeeyey ciidamada Rwanda oo dabayaaqadii November ku helay €20 milyan, si looga caawiyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada ee ay ka wadaan gobolka Cabo Delgado ee dalka Mozambique.

Taageerada cusub ee Midowga Yurub, ayaa haddii laga dhabeeya, iman doonto xilli aad muhiim ah oo ciidanka Soomaaliya ay u baahan yihiin gacan kasta oo ay heli karaan, ayada oo aad loogu rajo weyn yahay in dagaalka hadda socda ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab uu noqon karo mid guud ahaan dalka looga xoreeyo kooxdaas.

Sidoo kale, dowladda Soomaaliya ayaa dhowaan billowday inay dalka dib ugu soo celiso ku dhowaad 5,000 oo askari oo tababar ugu maqnaa dalka Eritrea, kuwaasi oo qeybtoodii ugu horreysay dalka la keenay 21-kii December, lana filayo in lasoo geba-gebeeyo dabayaaqada Janaayo.

Soo laabashada ciidankaas ayaa aad u kordhin doonta miisaaniyadda difaaca ee dowladda Soomaaliya, taasi oo culeyska dhaqaale ku kordhin doonta Villa Somalia.