Sheekh Aadan Madoobe iyo mucaaradka K/Galbeed oo gaaray isfaham muhiim ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa mar kale hoygiisa kulan kula qaatay siyaasiyiinta mucaaradka ee Koonfur Galbeed, waxaana laga wada-hadlay arrimaha dib u heshiisiinta maamulkaasi.

Guddoomiyaha iyo Siyaasiyiinta ayaa kulankaan iskula qaatay in mucaaradka uu ka qeyb-galo gogosha 5-ta Janaayo taalla magalada Baydhabo ee xarunta maamulka Koonfur Galbeed, si madashaas ay u noqoto mid loo dhan yahay.

Isfahamka ay gaareen dhinacyada ayaa yimid kadib markii laga wada-hadlay saluugi ay horay uga muujiyeen shirka dib u heshiisiinta, arrimahaas oo qaarkood laga wada heshiiyay, halka kuwa kalena la sheegay in shirka lagu xalin doono.

Siyaasiyiinta ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay shaqaaqadii toddobaad ka hor ka dhacday Baydhabo, ayaga oo dalbaday in guddoomiyaha uu ka shaqeeyo gacan kusoo celintooda guryihii ay waxyeelada ka soo gaartey shaqaaqadaas.

Sidoo kale waxay sheegeen si loo abuuro jawi xasiloon laga fogaado waxkasta oo keeni kara gacan ka hadal dambe, islamarkaana laga dheeraado wax abaabul dagaal u eg.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa dhankiisa u ballan-qaaday siyaasiyiinta in tabasha kasta oo la kala qabo lagu xalin doono shirka loo balansan yahay horaanta bisha Janaayo.

Wuxuu sii adkeeyay guddoomiyaha in laga wada shaqeeyo xasiloonida iyo horumarka deegaanka, si Koonfur Galbeed u noqoto meel xasilooni siyaasadeed ka jirto oo dadkeeda-na ku wada noolyihiin kalsooni iyo midnimo.