Daawo: General Zakiya oo shaacisay saddex hab oo looga adkaan karo Shabaab

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliye ku xigeenka ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Zakiya Xuseen Axmed oo maanta ka qayb-gashay kulan looga hadlayey  doorka haweeynka ee ku aadan xoreynta dalka ayaa ka hadashay dagaalka Al-Shabaab.

Zakiya Xuseen Axmed ayaa shaaca ka qaaday in ay muhiim tahay in loo wada istaago dagaalka adag ee haatan lagula jiro kooxda Al-Shabaab, si looga cirib tiro dalka oo dhan.

Taliye ku xigeenka Booliska Soomaaliyeed ayaa sidoo kale soo bandhigtay saddex hab oo looga guuleysan karo Al-Shabaab, waxayna ku talisay in loo diido guri, goof yo guur.

“Saddex shey haddii aan ku dadaalno Al-Shabaab dalkaan waa laga cirib tirayaa waxaa u diideynaa horta gurigeena waa ka mamnuuc, goofkeena wa ka mamnuuc, guurna mana geeyaan,” ayey tiri General Zakiya Xuseen oo khudbad ka jeedisay kulanka maanta.

General Zakiya ayaa sidoo kale sheegtay in saddexdaan qodob haddii la sameeyo in ay bannaanka soo istaagayaan Al-Shabaab, kadibna ay wajahayaan ciidamada Xoogga dalka.

“Intaas haddii aan u diidno banaanka iyo barxadda ayey is keenayaan ciidamada Xoogga dalka ayaana dhammeystiraayo,” ayey sii raaciyey.

Waxa kale oo ay intaasi kusii dartay inay diyaar u yihiin la dagaalanka Al-Shabaab, si ay dadka Soomaaliyeed ugu noolaadaan sharaf iyo xasilooni waarta.

“Waxaan ku dhaaranay inaan dalka difaacno, Shahiidnimo ama inaan sharaf ku noolaano,” ayey markale tiri Generaal Zakiya Xuseen Axmed.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, ayada oo haatan howlgallo culus oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab ay ka socdaan gobollada dalka, kuwaas oo laga gaaray guullo waa weyn.