Gerard Pique oo si la yaab leh u kala saaray Ronaldo iyo Messi.

Gerard Pique ayaa rumeysan in Lionel Messi uu u qalmo inuu markiisii afaraad ku guuleysto abaal marinta Fifa Ballon d’Or, marka loosoo xaadiro bisha soo aadan.

Daafaca reer Spain ayaa si la yaab leh u kala saaray xidigaha inta badan la isla meel dhigo kabtanka Argentine, oo ay u wada ciyaaraan Barcelona iyo ninka uu xafiiltanku kala dhexeeyo Cristiano Ronaldo, oo ay usoo wada ciyaareen Manchester United.

Pique ayaana rumeysan inay tahay in Messi laga sara mariyo Kabtanka Portugal, xitta halyeeygii Diego Maradona.

“Xushmad ayaan u hayaa waana rumeysanahay inuu Cristiano Ronaldo u qalmo Ballon d’Or, laakiin Leo wuxuu ka yimid caalam kale halka uu Cristiano ugu fiican yahay dadka caalamkaan ku nool,” ayuu Pique u sheegay Radio Associacia de Catalunya 1.

“Ronaldo wuu u shaqeeyaa si adag, si wanaagsan, laakiin ma jirto wax aad sameyn kartid marka aad ka hortimaado Messi.

“Waxaa micno gaar ah Messi u yeelay xittaa ciyaartoydii hore ee kubada cagta soo maray waxay ahaayeen kuwo marna kaca marna kufa, sida Maradona. Ma uusan sameyn barkeed inta uu Leo Barca u sameeyey.

“Messi sanado badan oo uu xirfadiisa ku dhex jiray sidaan ayuu u fiicnaa wuxuu u qalmaa in looo tixgeliyo ciyaaryahankii ugu fiicnaa ebid taariikhda kubada cagta soo mara.”

Messi ayaa ku guuleystay Ballons d’Or sedax mar oo isku xigta, wuxuuna u dhigi doonaa Rikoor cusub hadii uu abaal marintaan gacanta u dhigo markiisii afaraad ee isku xigta.

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: jangoan@hotmail.com

Caasimada — Somalia.