Uganda oo ka laabatay go’aankii walaaciyay Madaxda Soomaalida.

Dowlada Uganda ayaa sheegtay in hadalka muranka badan dhaliyay ee ku aadanaa in ciidamadeeda Nabad dhaliyaasha Soomaaliya ay kala baxeyso arintaasi ay sheegeen in xal laga gaaray.

Madaxda Dowladda Somalia ayaa ka walaacsanaa ka bixista ciidanka Uganda ee Somalia, oo ay sheegeen inay xaalad amni darro oo hor leh dalka u horseedi karto.

Raysal wasaaraha dalka Uganda Amamam Mbabazi ayaa sheegay in Baarlamaanka dalka Uganda iyo Mas’uuliyiinta dowladaasi ay ka wada hadleen sida laga yeelayo iyo xalka loo raadinayo warbaxinta ka soo baxday Qaramada Midoobay ee ahayd in dowladaha Rwanda iyo Uganda ay taageero siiyaan mucaaradka ka dagaalama dowlada Jamhuuriyada dimuqraadiga ee Gongo.

Mas’uuliyiinta dowlada Uganda ayaa isku raacay in ka noqdaan hadalka ah in ciidamadeeda ay kala baxayaan Soomaaliya sida ay qortay wakaalada wararka ee Daily Monitari.

Sidoo kale Raysal Wasaaraha dalka Uganda Mr Mbabazi ayaa isagoo hadalkiisa siiwata waxa uu sheegay in ergay ka socota Uganda ay mudooyinkii danbe ay ku sugnaayeen Magaalada Newyork kuwaasi oo kulamo inta badan loogu hadlayay arimaha ku aadan in Uganda ay qeyb ka tahay wadamada taageera Mucaaradka M23 ee ka dagaalama dalka Gongo.

Waxaana wafdiga ku sugan Newyork iyo xubnaha Golaha ammaanka Qaramada Midoobay ay isla afgarteen in Uganda ay joojiso goodiska ku aadan in ciidamadeeda kala baxeyso wadamo Soomaaliya ay ka mid tahay.

Uganda ayaa mudooyinkii danbe waxa ay waday hadalo goodis ah oo sheegaya in ciidamadeeda ay kala baxeyso Soomaaliya.