David Luiz: Falcao waa weeraryahan ku haboon Chelsea.

David Luiz ayaa rumeysan inuu Radamel Falcao noqon lahaa ciyaaryahan ku haboon Chelsea, hadii uu usoo dhaqaaqo Stamford Bridge.

Shabakada Goal.com ayaa talaadadii ogaatay in weeraryahanka Atletico Madrid ay ku weyn tahay inuu u dhaqaaqo Galbeedka London ayna Blues la furtay wadahalo heshiis ay kula soo saxiixaneyso 60 milyan oo euro.

David Luiz  ayaa ka horyimd Falcao subaxnimadii Khamiista [Saakay] xilli xulka Brazil uu Colombia ku qaabilay New Jersey, wuxuuna qiray inuu ku farxi lahaa hadii uu weeraryahakaani usoo dhaqaaqo Stamford Bridge.

Markii la weydiiyey hadii uu Falcao yahay ciyaaryahan ku haboon Blues, daafaca Stamford Bridge ayaa u sheegay saxaafada: “Dabcan, wuxuu noqon lahaa mid ku haboon. Dhamaan ciyaartoydu wey ku farxi lahaayeen sababtoo ah Falcao waa ciyaaryahan weyn. Inta badan wey adag tahay inaad celiso.”

Falcao ayaa sedaxleey ka dhaliyey Chelsea markii uu kaga horyimid Finalka Uefa Super Cup, waxayna u arkaan bedelka Fernando Torres oo ku guul darreystay inuu kooxda goolal u dhaliyo.

Kulan saaxiibtinimo oo u dhexeeyey labada xul ee dhaca Koonfur America ayaa kusoo dhamaaday barbaro 1-1ah, iyadoo Neymar uu goolka u furay Selecao inta uusan ka qasaarin goolku laad ay guusha ku qaadi lahaayeen.

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: jangoan@hotmail.com

Caasimada — Somalia.