Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka ka imaanaya dhanka Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir ayaa sheegaya in goordhow Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale loo diiday inuu galo Isbitaal Digfeer ee magaalada Muqdisho.
Guddoomiyaha ayaa doonayay inuu halkaa ku booqdo Dhaawacyo jiifa Isbitaalka oo laga keenay Magaalada Baydhabo,balse Ciidamo Turki ah oo ilaaliya Isbitaalka ayaa diiday in Guddoomiyaha uu booqdo Isbitaalka lamana oga Sababta ka dambeysa.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sidoo kale waxaa uu maanta booqday Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho oo ay jiifaan Dhaawacyadii ku dhaawacmay Qaraxii ka dhacay SYL,waxaana uu u geeyay Lacag Shilin Soomaali ah.
Ilaalada Isbitaalka Digfeer iyo kuwa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa dhexmaray gacan ka hadal sida la sheegay kadib markii Duqa Magaalada Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale loo diiday in uu booqdo dhaawacyo dhawaan la dhagay Isbitaalkaasi.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Ilaaladiisa ayaa is rasaaseyn kadib dib ugu laabteen Xafiiskiisa ka gadaal markii laga hor istaagay gelida Isbitaalkaasi.
Ma jirto wax hadal ah oo ka soo baxay Mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Banaadir iyo kan Isbitaalka.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

