27.7 C
Mogadishu
Saturday, June 13, 2026

Ahlu-Sunna oo talaabo aan lagu farxin qaaday.!!

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya Degmada Dhuusamareeb, ayaa sheegaya in Ciidamada maamulka Ahlusuna ay Isbitaalka Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud kala baxeen ilaa 3 ruux.

Wararku waxa ay sheegayaan in 3 ruux ay ahaayen dhalinyaro kuwaasi oo kamid ahaa dadkii ku dhaawacmay dagaalkii ka dhacay Dhuusamareeb.

Seddexda ruux ayaa la sheegayaa inay kamid ahaayen Ciidamadii ka garab dagaalamaayay Sargaalka lagu magacaabo Liibaan Maxamuud Madaxweyne.

Saddexda Wiil ee Isbitaalka lagala baxay ayaa waxaa ku jira Wiil la dhashay Liibaan Madaxweyne oo kamid ahaa garabyada Liibaan u hiilinaayay.

Sidoo kale, waxaan la garaneynin sababta ay Ahlusuna ula baxday Seddexdaasi ruux, inkastoo ay u sababeynayaan kamid ahaanshiyaha Ciidamada Liibaan Madaxweyne.

Dhanka kale, waxaa maalinimadii shalay Magaalada gaaray Ciidamo aad u badan oo Ethiopian ah, kuwaasi oo fariisimo Cusub ka sameystay Magaalada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News