Muqdisho (Caasimada Online) – Maleeshiyaadka Daacish ee ka dagaalanta dalalka Syria iyo Ciraaq ayaa bilaabay in dagaalada ay ku jiraan u diyaariyaan Carruurta ay ka geeriyooden Dagaalyahaanadooda.
Carruurta oo ah kuwa aad u yar ayaa waxaa iminka lasoo wareegay Maleeshiyada Daacish, waxa ayna sheegen in Carruurtaasi ay u diyaarinayaan la dagaalanka dhinacyada iyaga kasoo horjeeda.
Carruurtaani oo isugu jira wiilal iyo gabdho yar ayaa waxaa iminka lagu xanaaneeyaa xarun ay dhawaan furteen, waxaana kamid ah waxyaabaha la baro isticmaalka Hubka iyo tababaro aysan wali gaarin.
Maleeshiyadu waxa ay sheegen in Carruurtaasi ay bedeli doonaan kuwa hadda ku jira waxa loogu yeero Jihaadka.
HOOS KA DAAWO SAWIRADDA








