Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Somalia ayaa goordhow Xabsiga dhigay dhammaan ilaalada Isbitaal Digfeer ee Magaalada Muqdisho.
Ciidamada Nabadsugida ayaa Ilaaladaasi dhigay Xabsiga Jilacow, waxaana lasoo sheegayaa in wax laga weydiinaayo sababta ay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale ”Boorsaani” ay maanta uga mamnuuceen inuu galo Isbitaalka Digfeer xili halkaasi uu ku booqan lahaa dhaawacyadii laga keenay magaalada Baydhabo.
Guddoomiye Boorsaani, ayaa lasoo warinayaa inuu ka danbeeyay amarka lagu xiray Ilaalada Isbitaalka, waxa uuna iminka jawaab ku aadan sababta diidmada uu ka sugayaa Saraakiisha ka howlgasha Jilacow.
Maamulka Gobolka Banaadir ayaan wali ka hadal xariga ilaalada iyo is hortaaga lagu sameeyay Guddoomiye Yuusuf Xuseen Jimcaale (Boorsaani).
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

