Ghana oo arrimaha Soomaaliya looga been sheegtay iyo sarkaal ka hadlay

Saraakiisha booliska dalka Ghana ayaa beeniyay wararka ku aadan in ciidamo boolis ah oo ka socda dalkasi ay ku sugan yihiin dalka Soomaaliya, kuwaasi oo la sheegay 90 sarkaal oo ciidamada booliska dalka Ghana ah.

Mr Cephas Tetteh, madaxa xiriirka booliska iyo bulshada Ghana ayaa hadalkiisa kusii daray inuusan jirin wax qorshe ah oo saraakiisha amaanka Ghana loogu soo diro dalka Soomaaliya si ay qeyb kaga noqdaan howlgalka AMISOM.

Warka ku aadan in saraakiil ka tirsan Ghana ay ku sugan yihiin Somalia ayaa lagu baahiyay website ay adeegsadan ciidamada AMISOM, kaasi oo lagu sheegay in nabad galyada Soomaaliya ay qeyb ka qaadanayaan.

Saraakiisha ciidamada booliska ee ku sugan Soomaaliya ayaa lagu sheegay inay gaarayaan 363 sarkal, kuwaasi oo ka kala yimid 7 dal oo ku yaala qaarada Africa oo ay kamid yihiin Nigeria, Uganda, Zimbabwe, Sierra Leone, Ghana iyo Gambia, ayaa lagu yiri warka AMISOM.

Waxaana la sheegay saraakiishaasi inay tababar siiyaan ciidamada booliska dowlada Soomaaliya, waxaana la baraa la dhaqan bulshada iyo gudashada waajibaadkooda.

Inkastoo ay sidaasi ay jirto ayaa haddana dowlada Ghana waxay beenisay in saraakiil boolis ah ay kaga sugan yihiin dalka Soomaaliya, kuwaasi oo tababar bixinaya kana mid ah ciidamada booliska AMISOM.