Puntland oo digniin culus ka soo saartay tallaabada uu BF damacsan yahay + Sawirro

Garoowe (Caasimada Online) – Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa shaaciyay moqifkiisa ku aadan wax ka beddalka dastuurka Soomaaliya oo ay ku howlan tahay dowladda federaalka ee uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Arrintan ayaa maanta lagu soo qaaday shirka golaha wasiirada ee Puntland, kaas oo uu guddoomiyay madaxweyne Sacaiid Cabdullahi Deni oo uu wehliyo ku xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan Karaash.

Shirka oo todobaadle ah ayaa waxaa diiradda lagu saaray arrimaha Amniga, Doorashada Puntland, Go’aanka Puntland ee ku aadan qorshaha wax-ka-bedelka Dastuurka Soomaaliya ,kala Xadaynta Waajibaadka Wasaaraddaha  iyo Siyaasadda iyo xeerka tirakoobka Puntland.

Sidoo kale kulanka ayaa waxaa looga hadlay hannaanka Doorashooyinka Puntland ee hal qof iyo hal cod oo weli lagu mursanyahay, maadaama mucaaradka ay diideen.

Golaha ayaa  isku raacay sidii loo dhamaystiri lahaa dhammaan agab yada farsamo iyo amni ee ay u baahan tahay qabashada doorashadaas, taas oo ah Waddada keliya ee looga bixi karo khatar kasta oo Puntland ka jirta.

Haddaba muxuu yahay go’aanka Puntland ee wax ka beddalka dastuurka Soomaaliya?

Puntland oo caddeysay mowqifkeeda ayaa ka horyimid qorshaha dowladda federaalka ee wax ka beddalka dastuurka, ayada oo sheegtay in laga leeyahay dano siyaasadeed.

“Dowladda Puntland waxay si cad uga soo horjeedaa wax ka badelka Dastuurka Federaalka Soomaaliya iyada oo dano siyaasadeed laga leeyahay” ayaa lagu yiri go’aanka Puntland.

Sidoo kale Puntland ayaa sheegtay in dastuurka kumeel gaarka ah ee federaalka uu yahay  heshiis bulsho, kuna dhisan is faham siyaasadeed iyo dib u heshiineed Qaran kadib burburkii dowladdii dhexe ee Dalka.

Warsaxaafadeedka ayaa waxaa kale oo lagu yiri “Sida ku cad Dastuurka KMG ah Cutubka 1aad, Qodobkiisa 3aad, farqaddiisa 3aad “Mabaadiida Aasaasiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay ku dhisan yihiin Mabaadiida Aasaasiga ah ee Awood qaybsiga nadaamka Federaalka ah”, Sidaa darteed, Madaxda iyo hay’adaha Dowladda Federaalka ah awood uma laha in ay badalaan hannaanka dowladda dhexe u dhisan tahay ee ah Madaxweyne iyo Raisul Wasaare iyo tubta dowlad dhiska ee ku dhisan Dastuurka KMG ka ah”.

Puntland ayaa sidoo kale soo saartay baaq culus, waxayna ka dalbatay baarlamaanka Soomaaliya in uusan qayb ka noqon qorshaha wax ka beddalka dastuurka KMG ka ah.

“Haddaba, Dowladda Puntland waxay ugu baaqaysaa labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya in aysan qayb ka noqon in meesha laga saaro Dastuurka KMG ka ah iyo wax ka badel kasta ee keeni kara khilaaf siyaasi ah” ayaa lasii raaicyay bayaanka.

Ugu dambeyn waxa ay Puntland caddeysay in aysan raalli ka noqon doonin wax ka beddalka dastuurka, maadaama aan lagala sameyn wax wada tashi ah.

“Dowladda Puntland waxay caddeynaysaa in aysan qayb ka noqon doonin dhaqangelinta wax-ka-badel kasta ee Dastuurka lagu sameeyo iyada oo aysan Puntland qayb ka ahayn” ayaa lagu soo gabagabeeyay go’aan maanta kasoo baxay dowlad goboleedka Puntland.