25.7 C
Mogadishu
Saturday, June 21, 2025

Go’aanka Trump oo xaalad cakiran dhex-joojiyey Israel

Bookmark
Bookmarked

Share

Washington (Caasimada Online) – Go’aanka madaxweyne Donald Trump ee uu ku hakiyay duullaan Mareykan ah oo lagu qaadi lahaa Iran ayaa ku reebay Israel xaalad istaraatijiyadeed oo cakiran.

Hadafka dagaal ee ugu weyn ee hadda u harsan Israel ayaa ah inay burburiso xarunta lagu kobciyo nukliyeerka ee Fordo, oo ku taalla waqooyiga Iran. Xaruntan ayaa si aad ah dhulka hoostiisa loogu aasay, taasoo ka dhigaysa mid aad ugu adag in ay waxyeello u geystaan duqeymaha Israel.

Maalmo badan, saraakiisha Israel waxay rajaynayeen in Madaxweyne Trump uu hawada u diro diyaarado dagaal oo Mareykan ah kuwaasoo sida hubka kaliya ee dunida la ogyahay inuu awood u leeyahay burburinta Fordo.

Haatan, Trump wuxuu sheegay inuu sugayo ilaa laba toddobaad ka hor inta uusan go’aan kama dambeys ah ka gaarin faragelintaas — dib u dhac culays siyaasadeed iyo milatari ku keenaya Israel.

Marka uu waqti dheeraado oo Israel sugto jawaabta Mareykanka, cadaadiska saaran nidaamka difaaca cirka ee dalkaasi ayaa sii kordhaya. Si ay uga hortagto weerarrada gantaallaha ridada dheer ee Iran, Israel waxay si xawli ah u isticmaaleysaa keydkeeda gantaallaha lidka gantaallada, taasoo ku qasbeysa inay mudnaanta siiso difaaca magaalooyinka qaarkood, halka kuwo kale la dayaco.

Tani waxay sare u qaadaysaa halista ah in gantaallo ay si toos ah ugu dhacaan xaafadaha rayidka iyo xarumaha istiraatiijiga ah ee amniga.

Intaa waxaa dheer, iyadoo hawada dalka la xiray islamarkaana dhaqaalihii gudaha hakad galay, dagaalka oo dheeraada wuxuu keeni doonaa khasaare dhaqaale oo isa soo taraya. Sida ugu dhaqsaha badan ee dagaalku u dhammaado, ayay diyaaradaha ganacsiga u soo laaban doonaan, ganacsiguna dib u bilaaban doonaa si buuxda.

Taa beddelkeeda, Israel waxay dooran kartaa inay si madaxbannaan u weerarto Fordo — iyadoo adeegsanaysa diyaaradaha iyo hubka ay hadda gacanta ku hayso. Qaar ka mid ah falanqeeyayaasha ayaa rumeysan in Israel ay xitaa u diri karto cutubyo gaar ah si ay xaruntaas gudaha uga burburiyaan ama u khalkhaliyaan.

Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa Khamiistii si dadban u muujiyay diyaar u ahaanshaha Israel ee weerar gooni ah, isagoo wareysi telefishin ku yiri: “Waxaan gaari doonnaa dhammaan yoolalkeena — dhammaan xarumaha nukliyeerka ee Iran. Awooddaas waan leenahay.”

Si kastaba ha ahaatee, khubaro badan ayaa ka digaya in jidkaas uu khatar badan wato, isla markaana saameyntiisa ay xadidan tahay. “Waxaan u malaynayaa inaysan noqon doonin mid la jaanqaadaysa waxa Mareykanka awoodi karo,” ayuu yiri Itamar Rabinovich, oo horey u ahaan jiray safiirka Israel ee Washington. “Haddii aan awooddaas haysan lahayn, horey ayaanu u fulin lahayn weerarka.”

Doorasho kale oo Israel u furan ayaa ah in ay si gooni ah dagaalka u soo afjarto iyada oo aan Fordo la weerarin. Hase yeeshee, taasi waxay ka dhigan tahay in qayb weyn oo ka mid ah barnaamijka nukliyeerka Iran uu badbaado, taasoo u furaysa waddo suurtagal ah in Iran ay samaysato bam nukliyeer ah oo mustaqbalka khatar ku noqon kara Israel.

Waqtigan la joogo, ma muuqato in Israel ay u janjeerto xalkaas nabadeed. Hoggaamiyeyaasha siyaasadeed ee Israel waxay bilaabeen in si cad loo hadlo, iyagoo sheegay in ay doonayaan inay dunto xukuumadda Iran iyo in la beegsado hoggaamiyaha sare, Ayatollah Ali Khamenei. In kasta oo aanay jirin waddo muuqata oo Israel ugu guuleysan karto rididda nidaamkaas, hadalladaasi waxay muujinayaan ugu yaraan in Israel damacsan tahay inay sii waddo weerarrada maalmo kale.

Warbaahinta gudaha Israel ayaa Jimcihii muujisay taageero xooggan oo shacabka u hayaan dagaalka, taasoo ay xoojisay ra’yi ururin cusub. Ka dib weerarkii Israel ku qaadday Iran, xisbiga Netanyahu ayaa ku jira xaalada ugu wanaagsan ee codbixinta tan iyo bishii Oktoobar 2023 — markaasoo Xamaas ay fulisay weerarkii ugu dhimashada badnaa taariikhda Israel.

- Advertisement -

Read more

Local News