Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaan wali magaalada Muqdisho ee Caasimada Somalia ka hirgalin amarkii 11/05/2017 bishaan kasoo baxay Golaha Wasiirada kaa oo ahaa inaan gudaha magaalada lagu arki karin Gaadiid dagaal iyo Hubka ay isticmaalan madaxda qaar oo uu kamid yahay qoriga loo yaqaan dabajeexa.
Golaha wasiirada ayaa amarkaasi dhaqan galintiisa faray Madaxda Hay’adaha amaanka dowlada ee ku shaqada leh wax ka qabashada waxyaabaha qalqal galinkara amniga sida Hubka waaweyn.
Amarkaani aan wali ka dhaqan galin magaalada Muqdisho, ayaa waxaa la sheegay in cidii u hogaansami weydo la marin doono waxa uu sharciga qabo ee amar diido ah.
NUQULADA QORAALKA AMARKA
Caasimadda Waxaa laga mamnucay ciidamada hubaysan iyo gaadiidka dagaalka ee aan ku jirin:-
1-Howlgallada lagu xasilinayo Caasimadda.
2-Aan wadanin warqad fasax dhaq-dhaqaaq ah.
3-Caasimada waxaa laga mamnuucay wadashada dharka ciidanka XDS iyadoon loo heysan sharciyad iyo aqoonsi.
4-Laga bilaabo 11/May/2017 waxaa mas’uuliyiinta Dowladda ee haysta Hubka, Gaadiidka iyo Ciidanka XDS, laga doonayaa inay ku celiyaan Taliska Ciidanka XDS.
5-Waxaa laga mamnuucay dhammaan qof kasta oo ay ku jiraan Mas’uuliyiinta Dowladda in Magaalada Muqdisho ay ku dhex wataan ilaalo ka badan 4 askari gaari kasto iyo ugu badnaan 2 gaari, Mana qaadan karaan qori ka wayn AK47.
Ciddii ku xadgudubta awaamiirtan, waxay mutaysan doonaan in Sharciga lala tiigsado.
Magaalada Muqdisho waxaa weli dhex socda Gaadiidka dagaalka oo ay wataan Ciidamada dowlada kuwaa oo aan ku jirin howlgal ama talaabooyin lagu xaqiijinaayo Amniga.
Gaadiidka qaar oo ay wataan mas’uuliyiinta dowlada sida Wasiirada, Xildhibaanada iyo Siyaasiyiinta ayaa waxaa dusha sare ka saaran qoryaha nooca loogu tallo galay furumaha dagaalka sida Dabajeexa iyo Sabanada, waxa ayna talaabadaasi muujineysaa inaanu waxba ka jirin Go’aanka kasoo baxay Golaha Wasiirada ee lagu sugaayo amniga.
Waddooyinka magaalada ayaa waxaa sidoo kale heehaabaya ciidamo ka tirsan dowlada oo ku hubeysan qoryaha fudud isla markaana ku labisan dareeska ciidamada XD, waxa ayna talaabadaasi wiiqeysaa qodobka 3aad ee kor ku xusan kaa oo lagu mamnuucaayo in waddooyinka magaalada lagu dhex wato dareeska ciidamada XD.
Ciidamada dowlada qaarkood ayaan laheyn aqoonsiyo dhanka Hay’adaha ay ka tirsan yihiin, waxaana xusid mudan in ciidamada qaar ay waddooyinka kula laafyoonayaan dareeska iyagoo aan wada wax sharciyo ah.
Si kastaba ha ahaatee, Go’aanka 11/May/2017 kasoo baxay Golaha Wasiirada ee lagu xaqiijinayo amniga Muqdisho ayaa u muuqda mid uu ka socon la’ yahay Madaxda dalka oo qudhooda wata Hubka laga mamnuucay.