Gobolka Banaadir oo qaaday tallaabo cusub oo ka dhan ah Yardimeli iyo Jaziira + Video

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Gobolka Banaadir ayaa goordhoweyd shaaciyey magacaabista guddi cusub oo ka shaqeynaya Maareynta iyo La-wareegida Isbitaalada Yardimeli iyo Jaziira ee gobolka Banaadir, xilli weli ay taagan tahay xiisadda ka dhalatay isku daygan.

Maamulka ayaa hore ugu qabtay muddo toddobaad ah in lagu soo wareejiyo maamullada Isbitaalada Jaziira iyo Yardimeli, ayada oo 8-dii bishaan loogu daray toddobaad kale, si loo xaqiijiyo hufnaanta iyo lasoo wareegista maamulida labadaas Isbitaal.

Afhayeenka gobolka Banaadir oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa shaaciyey guddigaas cusub, oo ka kooban siddeed xubnood, kuwaasi oo kala ah; Maxamed Maxamuud Cadow, Saynab Warsame, Mucaawiye Muudeey, Maxamed Cantooba, Cabdulqaadir Dalxa, Cabdullaahi Caraaye, Mukhtaar Dhagacade iyo Saalax Xasan Cumar.

“Guddiga sare ku xusan waxaa aad loogu adkeynayaa inay sida ugu dhaqsaha badan u guddo galaan howlahooda shaqo ee ku xusan wareegtadan. Maamulka labada Isbitaal waxaa la farayaa in si hufan ula shaqeeyaan guddiga la magacaabay si ay u fuliyaan waajibaadka loo xil-saaray si habsami leh,” ayuu yiri.

“Waxaa la farayaa maamulada Isbitalaadaas inay wax agab ah ka saari karin xarumahaas, waxaana si gaar ah loo farayaa maamulada degmooyina Warta-nabadda iyo Xamar Jajab inay kor-joogteyan hubiyaana inay hirgeliyeen amarka ku aadan ilaalinta hantida dadweynaha ee taalla labada Isbitaal.”

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa 1-dii Bishan September soo saaray amar ku socda labadaan Isbital, oo ah in muddo Todobaad ah lagu soo wareejiyo maamulka labadaan isbitaal.

Labadan isbitaal ee Yardameeli iyo Jaziia ayuu maamulka gobolka Banaadir ku eedeeyay in adeegyada ay u qabtaan bulshada ay tahay kuwo dhaqaale badan loogaga qaato.

“Isbitaaladaa kor ku xusan oo loogu talo-galay in bulshada gobolka Banaadir ugu shaqeeyan si lacag la’aan ah uu ka war helay maamulka gobolka in hanaankii loogu talo-galay in loogu adeego bulshada hanaan aheyn oo u muuqda mid ganacsi iyo mid gaar ahaaneed u adeegayaan isbitaaladaas.”

Hoos ka daawo muuqaalka Afhayeenka