Gobolkii 3-aad oo ka mid ah Somaliland oo dadka reer Koonfurta laga musaafurinayo

Burco (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa ku dhawaaqday in gobolka Togdheer ka bilaaban doonto musaafurinta dadka kasoo jeeda Koonfurta Soomaaliya.

Taliyaha ciidanka laanta socdaalka ee gobolka Togdheer, Gashaanle dhexe Jaamac Maxamed oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa si gaar ah u carabaabay in dadka la musaafurinayo u badan yihiin deegaanada Waajid iyo Xudur ee Soomaaliya.

“Baryahanba howl baanu wadnay sidii aanu u diiwaan-galin lahayn dadka ajaanib ka ah ee jooga gobolka Togdheer, dadkaasi oo ka kooban dhawr qaybood oo kala dagan meelo kala duwan oo magaalada ka mid ah, waana dadka la yidhaahdo RRA, reer Waajidka iyo dad dawarsadayaal ah oo reer Xudur ah, waana dad u dhashay Soomaaliya” ayuu yiri Taliye Jaamac.

Sidoo kale waxa uu sheegay inay diiwaan-galiyeen xadi badan oo dadka kasoo jeeda Koonfurta, islamarkaana ay amar ka sugayaan madaxdii loo xil saaray musaafurinta dadkaas, sida uu sheegay.

“Anaga oo raacayna barnaamijkaa guud ee madaxda qaranku soo saartay, waxaanu tiro koobnay oo aanu isku daynay in aanu ogaano xogta gobolka, waxaanu samaynay dad liis garaysan, amar uun baanu ka sugaynaa taliyaha iyo madaxdii uu Madaxweynuhu u xilsaaray” ayuu yidhi Taliyuhu.

Gobolka Togdheer ayaa noqonaya gobolkii 3-aad ee lagaga dhawaaqo musaafurinta dadka kasoo jeeda Koonfurta Soomaaliya, kaasi oo markii u horeysay horaantii bishan laga bilaabay gobolka Sool.