Golaha Ammaanka ee QM oo kulan ka yeelanaya xaaladda Soomaaliya

New York (Caasimada Online) – Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa gelinka dambe ee maanta kulan deg-deg ah ka yeelanaya xaaladda Soomaaliya, kaas oo looga hadlayo arrimo ay ka mid yihiin abaaraha ka jira dalka iyo ammaanka guud.

Kulanka oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa goluhu ay isaga xog wareysan doonaan arrimaha bani’aadanimada ee ka dhashay abaaraha iyo dagaalka lagula jro Al-Shabaab.

Sida lagu sheegay qoraal kooban oo ka soo baxay xafiiska UNSOM wuxuu kulanka bilaabanayaa 5:00 galabnimo ee xilliga Muqdisho, ayadoo si toos ah loo daawan doono.

“Kulanka ayaa bilaabanaya 5:00 galabnimo (xilliga Muqdisho) waxaana si toos ah uga daawan kartaa halkan” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska QM ee UNSOM.

Sidoo kale waxaa kulanka inta uu socdo warbixin looga dhageysan doonaa ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay James Swan, ku-simaha ergeyga gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya Fiona Lortan iyo ergeyga gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Geeska Afrika Annette Weber, sida markale lagu shaaciyey qoraalka UNOSOM.

“Waxaa ka mid ah xubnaha warbixinta siinaya kulanka Golaha Ammaanka, Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan,” ayaa markale lagu yiri qoraalka ka soo baxay xafiiska siyaasadda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Si kastaba, kulanka Golaha Ammaanka ayaa uu kusoo aadaya, xilli ay haatan Soomaaliya ka jirto xaalad adag, iyada oo la saadaalinayo macluul iyo dagaallo ka dhan ah Al-Shabaab.