Golaha ammaanka oo kulan muhiim ah ka yeelanaya xaaladda Soomaaliya

New York (Caasimada Online) – Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa gelinka dambe ee maanta lagu wadaa inay kulan gaar ah ka yeeshaan xaaladda dalka Soomaaliya, kadib doorashooyinkii soo dhammaaday iyo isbedalladii dhowaan ka dhacay gudaha dalka.

Qoraal kooban oo kasoo baxay xafiiska UNSOM ee QM ayaa waxaa lagu sheegay in kulankan diirada lagu saari doono sidii horey loogu sii amba qaadi lahaa horumarada ay gaartay Soomaaliya, loona garab siin lahaa dowladda cusub ee Madaxweyne Xasan Sheekh.

“Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta yeelanaya kulankoodii caadiga ahaa, kaas oo looga hadlayo xaaladda Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraalka UNSOM.

Kulankan ayaa waxaa khudbad ka jeedin doono wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, James Swan oo warbixin u gudbin doono golaha.

QM ayaa si dhow ula socotay xaaladdii adkeyd ee laga soo gudbay, waxaana golaha marar badan uu kulamo ka yeeshay is mari-waagi ka taagaan doorashadii soo dhammaatay, taas oo marar badan keentay isku dhacyo siyaasadeed iyo kuwa hubeysan oo laga hortegay.

Golaha ayaa la filayaa inay gabagadii soo saaraan bayaan ku aadan kulankooda, isla-markaana ay taageera ugu muujiyaan dowaladda cusub ee ka dhalatay Soomaaliya.

SI kastaba, wuxuu kulankan ku soo aadaya, iyada oo maanta ay si nabdoon u dhacday munaasabadda xil wareejinta Madaxweynaha cusub, Mudane Xasan Sheekh oo talada kala wareegay Madaxweynihii hore ee dalka Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo).