26 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

Golaha iskaashiga maamul gobolleedyada oo dalab yaab leh hordhigay BF

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimadda Online) – Qoraal ka soo baxay gollaha Iskaashiga maamul gobolleedyada ayaa lagu dalbaday in la hakiyo dhamaanba ansixinta Hindise Sharciyeedyada xukuumaddu ay horgeysay baarlamaanka inta laga wada tashanayo.

Warqad ka soo baxay Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada oo uu ku saxiixnaa Guddoomiyaha Golaha ahna Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa ku taariikheysneyd 14-kii bishan.

Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada ayaa sheegay in xilligan ay jiraan Hindise sharciyeedyo aan lagala tashan, kuwaasoo horyaala Golaha shacabka, halka qaarkood la ansixiyay, kaasoo ugu dambeeyay Hindise sharciyeedka Biyaha.

Akhriso Qoraalka ka soo baxay gollaha Iskaashiga maamul gobolleedyada :

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]
- Advertisement -

Read more

Local News