24.9 C
Mogadishu
Wednesday, January 28, 2026

Golaha Mustaqbalka oo caddeeyay mowqifkooda ku aadan shirka Xasan Sheekh

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo ay ku mideysan yihiin mucaaradka, Jubbaland iyo Puntland oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa si rasmi ah u aqbalay inay ka qayb-galaan gogosha wadatashiga qaran ee uu ku dhawaaqay Madaxweynaha Soomaaliya, taas oo furmi doonta 1-da bisha soo aadan ee Febraayo ee sannadkan 2026-ka.

Golaha ayaa marka hore shaaca ka qaaday in dalka uu marayo marxalad xasaasi ah oo ay halis ku jirto dowladnimada iyo wadajirka Ummadda Soomaaliyeed, isla markaana khilaafaadka weli jira ay wiiqi karaan midnimada dhuleed iyo bulsho, ayna fursad siineyso kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish iyo cid kasta oo dano gurracan ka leh Soomaaliya.

Sidoo kale wuuxu bayaanka intaas ku daray in Golaha isaga oo ka duulayo caqabadaha taagan dartood uu aqbalay ka qayb-galka shirka wadatashiga ee uu iclaamiyay madaxweynuhu.

“Haddaba Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed asagoo ka duulaya xaaladaha kor ku xusan, tixgelina siinaya caqabadaha baaxadda leh ee dalkeenna horyaalla wuxuu wadatashi dheer kadib go’aansaday in Goluhu aqbalo gogosha ay dhigtay DFS, si looga hortego firaaq dastuuri ah loona helo xal loo dhan yahay oo badbaadinaya dowladnimada iyo midnimada dalka” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Sidoo kale, wuxuu Golaha Mustaqbalka dalbaday in shirka uu u dhaco jawi leh kalsooni iyo niyadsami, wada-hadalladuna ay noqdaan kuwa miradhal ah.

Waxaa kale oo uu soo jeediyay;-

  • In uu gebi ahaanba madaxweynuhu joojiyo wax ka beddalka Dastuurka kumeel gaarka ah ee Federaalka ee 2012-kii.
  •  In ajendayaasha laga wadahadlo ay yihiin kuwa mudnaanta koowaad u leh xaaladda xaaladda hadda jirta dalka sida,

1-Amniga, gaar ahaan la dagaallanka kooxaha argagixisada Al-Shabaab iyo Daacish.

2- In heshiis loo dhan yahay laga gaaro hannaan doorasho oo ay ku dhacdo doorashada hay’adaha Dowladda Federaalka ah.

3- Xaaladda Midnimada iyo wadajirka dalka

4- Xaaladda abaaraha ka jira guud ahaan dalka Soomaaliya.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa wajaheysa loollan waqtiyeed, iyadoo muddo-xileedka hay’adaha dowladda lagu wado inuu dhammaado bartamaha bisha May ee sanadkan. Ismari-waaga ugu weyn ayaa salka ku haya nuuca doorasho ee dalka ka dhacaysa.

Screenshot
Screenshot
- Advertisement -

Read more

Local News