25.4 C
Mogadishu
Friday, February 20, 2026

Xog: Golaha Mustaqbalka oo doortay xubno gaar ah oo shirka berri uga qeyb-galaya

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxda Golaha Mustaqbalka ayaa shir muhiim ah ku yeeshay gudaha Xalane, kadib markii ay galabta kasoo baxeen wada-hadalladii maanta ka furmay xarunta Villa Soomaaliya.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, madaxda golaha ayaa isku raacay in shirka berri loo ballamay ee Villa Soomaaliya ay kula leeyihiin Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ay u diraan xubnahan:

  • Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni
  • Madaxweynihii hore, Shariif Sheekh Axmed
  • Ra’iisul Wasaarihii hore, Xasan Cali Kheyre
  • Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo
  • Xildhibaan Cabdullaahi Carab

Xubnahan ayaa qorshuhu yahay inay si gaar ah ula xaajoodaan Madaxweyne Xasan Sheekh, taas oo meesha ka saaraysa in xubno kale oo ka tirsan dowladda ay qeyb ka noqdaan shirka berri.

Shirka berri ayaa waxaa diiradda lagu saari doonaa arrimaha doorashooyinka heer federaal iyo heer dowlad-goboleed, gaar ahaan maamullada Koonfur Galbeed, Galmudug iyo HirShabelle oo muddo dhaaf ku fadhiya kuraasta.

Mucaaradka ayaa doonaya in la qabto doorashooyin heshiis lagu yahay, halka Dowladda Federaalka ay doorbideyso qabashada doorasho qof iyo cod ah.

Waxaa la filayaa in berri la kala caddeeyo nooca doorasho ee laga qaban doono maamul-goboleedyada waqtigoodu dhammaaday.

Madaxda labada dhinac ayaa maanta isku afgartay sii wadista wada-hadallada, si xal looga gaaro kala aragti duwanaanshaha jira, kaasi oo salka ku haya hanaanka doorashooyinka iyo wax-ka-beddelka dastuurka.

Shirkan oo kusoo aaday xilli xasaasi ah oo dalku wajahayo abaaro baahsan iyo xaalado bani’aadannimo ayaa waxaa si dhow ula socda Beesha Caalamka, oo cadaadis xooggan ku saartay dhinacyada inay xal ka gaaraan is-mari-waaga siyaasadeed.

Waxaa sidoo kale soo baxaya xogo aan weli si rasmi ah loo xaqiijin oo sheegaya in laga yaabo in wada-hadallada la ballaariyo, laguna soo daro qaybaha bulshada rayidka ah marxaladaha dambe ee shirka.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan taagan isgoys siyaasadeed oo xasaasi ah, iyadoo natiijada kasoo baxda shirkan ay go’aamin doonto jihada siyaasadeed ee dalka iyo xallinta khilaafaadka ragaadiyay geeddi-socodka dowlad-dhiska.

- Advertisement -

Read more

Local News