27.2 C
Mogadishu
Tuesday, December 30, 2025

Golaha Mustaqbalka oo soo saaray bayaan cusub kuna dhowaaqay in ay si buuxda…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Kismaayo (Caasimada Online) — Golaha Mustaqbalka Soomaaliyed ayaa Isniintii ku dhawaaqay inay “si buuxda u taageerayaan” go’aannadii ka soo baxay Shirweynihii aayo-katashiga Soomaaliyeed ee dhowaan ka dhacay Kismaayo, iyaga oo sheegay in loo baahan yahay is-afgarad siyaasadeed oo degdeg ah si loo wajaho xiisadaha siyaasadda, amniga iyo dhaqaalaha ee dalka.

War-saxaafadeed uu goluhu soo saaray kadib shir gooni ah oo ay Kismaayo ku yeesheen, ayaa lagu sheegay in goluhu uu sidoo kale warbixin ka dhageystay guddiga farsamada, kuwaas oo “soo bandhigay qorshaha dhammaystirka dhismaha” golaha, iyo aragtiyo ku saabsan doorkiisa mustaqbalka siyaasadeed ee Soomaaliya.

Goluhu wuxuu sheegay in uu soo dhisay hawl-wadeenno lix xubnood ka kooban, oo isugu jira xeer-ilaaliyeyaal iyo xoghayn, kuwaas oo ka kala socda Puntland, Jubaland iyo Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed.

Hawl-wadeenadan ayaa loo xil saaray “isku-xirka iyo socodsiinta hawlaha” golaha, halka hoggaanka lagu amray inuu diyaariyo qorshe hawleed lix bilood ah oo lagu hawlgelinayo howlaha hortabinta.

Bayaanka ayaa si gaar ah u taxay waajibaadka golaha, oo ay ku jiraan ilaalinta midnimada iyo wadajirka shacabka, dhowrista dastuurka kumeelgaarka ah ee 2012, taageeridda dhismaha dowlad dhexe oo federaal ah, ka shaqeynta in dalka loo dhammeeyo nidaam doorasho oo heshiis lagu yahay, iyo ka hortagga wax kasta oo horseedi kara muddo-kororsi ama xukun aan sharciyad buuxda ku fadhiyin.

Waxaa kale oo bayaanka lagu adkeeyay xoojinta amniga iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo Daacish, daryeelka dadka ay saameeyeen abaaraha iyo dhibaatooyinka bini’aadannimo, iyo hormarinta wada-hadal siyaasadeed oo “wada-tashi qaran” lagu gaari karo.

Shirweynihii aayo-katashiga Soomaaliyeed ee Kismaayo, oo la qabtay 18–20 December, ayaa dhowaan soo saaray war-murtiyeed ka digay “firaaq dastuuri ah” iyo sii-kordhinta khilaafka doorashooyinka, isaga oo ku baaqay wadahadal siyaasadeed oo degdeg ah iyo in la diido wax kasta oo loo arko muddo-kororsi ama hab doorasho oo aan heshiis qaran ku dhisnayn.

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyed ayaa sheegay in go’aannadaas ay u arkaan “jihada saxda ah” ee lagu xasillin karo is-mariwaaga siyaasadeed, islamarkaana ay sii wadi doonaan dadaallada lagu ballaarinayo wada-tashiga iyo isku-xirka dhinacyada siyaasadda.

Bayaanka golaha ayaa imanaya xilli ay cirka isku shareertay xiisadda u dhaxeysa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Dowlad Goboleedyada qaar, kuwaas oo diidan hannaanka doorashada qof iyo cod ee dowladda dhexe ay riixeyso, iyagoo ku doodaya inaanay jirin heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay.

- Advertisement -

Read more

Local News