Nairobi (Caasimada Online) – Xubnaha Guddiga Farsamada ee Golaha Mustaqbalka Soomaaliya, oo ay ku mideysan yihiin Puntland, Jubbaland iyo Madasha Mucaaridka ayaa maanta shir ku yeeshay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Shirka ayaa lagu gorfeeyay arrimo la xiriira jihada siyaasadeed ee dalka iyo qorshaha shaqo ee golaha. Sida ay Caasimada Online u sheegeen ilo xog ogaal ah, guddigu wuxuu qorsheeyay in shirka guud ee Golaha Mustaqbalka Soomaaliya la qabto bartamaha bishan November.
Shirweynahan ayaa la qorsheynayaa in lagu qabto magaalada Kismaayo, ee xarunta dowlad-goboleedka Jubbaland.
Ujeeddada shirkan ayaa lagu sheegay in lagu diyaarinayo ajandaha iyo qaab-dhismeedka golaha, si uu u yeesho hoggaan rasmi ah iyo hannaan shaqo oo mideysan. Xubnaha ayaa sidoo kale falanqeeyay sida loo dardargelin karo wada-shaqeynta maamul-goboleedyada iyo mucaaridka.
Wararka la helayo ayaa tilmaamaya in Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, iyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, lagu wado in loo doorto hoggaanka Golaha Mustaqbalka Soomaaliya, oo ujeeddadiisu tahay in uu ka hortago qorshayaasha Villa Soomaaliya ee la xiriira wax-ka-beddelka dastuurka iyo hirgelinta doorasho toos ah.
Kulankan ayaa noqday kii ugu horreeyay ee ay yeeshaan xubnaha Guddiga Farsamada ee Golaha Mustaqbalka Soomaaliya, kuwaas oo qaarkood ka yimid Puntland iyo Jubbaland.
Puntland waxaa guddiga uga jira Maxamed Cabdiraxmaan Dhabanad iyo Caarshe Maxamed Siciid, halka Jubbaland-na ay metelaan xildhibaan Cabdirashiid Jire iyo Saahid Qodhob. Madasha Samatabixintana waxaa uga jira laba xubnood oo kala ah xildhibaan Cabdullaahi Xaaji Abuukar iyo Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi).
Guddigan ka kooban lix xubnood ayaa dardar-gelinaya qabanqaabada shirka koowaad ee Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed. Shirkaas ayaa lagu dhammaystiri doonaa qaab-dhismeedka golaha, sidoo kalena looga arrinsan doonaa go’aannada ay ka qaadanayaan xaaladda kala-guurka ee dalka, sida ku xusan bayaankii Nairobi ee ay soo saareen bishii October.
Madaxweynaha Puntland ayaa dhawaan sheegay inay si buuxda u taageerayaan in Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed uu qaato mas’uuliyadda badbaadinta mustaqbalka dalka.
“Dowladda Puntland waxay si buuxda u taageeraysaa in Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed uu qaato mas’uuliyadda ku saabsan badbaadinta mustaqbalka dalka. Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan daneeyayaasha mustaqbalka Soomaaliyeed inay meel uga soo wada jeestaan sidii Soomaaliya uga bixi lahayd hubanti la’aanta amniga iyo jaahwareerka siyaasadeed,” ayuu yiri Madaxweyne Deni, oo dhawaan hadal ka jeediyay xarunta Baarlamaanka Puntland.
Puntland, Jubbaland iyo xubno ka mid ah Madasha Samatabixinta oo 2-dii October shir ku yeeshay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa ku heshiiyeen inay dhistaan ‘Golaha Mustaqbalka Soomaaliya’.
Waxay sidoo kale ku heshiiyeen inay shir isugu yimaadaan gudaha dalka Soomaaliya, shirkaas oo ay uga arrinsanayaan go’aannada ay ka qaadanayaan xaaladda kala-guurka ee dalka.
Ummadda Soomaaliyeed ayey ugu baaqeen inay ka shaqeeyaan midnimada iyo xasilloonida dalka, kana hortagaan cid kasta oo dhaawacaysa wadajirkooda.

