Golaha Wadatashiga Qaran oo kulan deg deg ah yeeshay kadib xayiraadii Mareykanka

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo madaxda maamul goboleedyada dalka oo ku mideysan Golaha Wadatashiga Qaran ayaa xalay yeeshay kulan deg deg maalin kadib markii Mareykanka uu soo rogay xayiraad la saaray mas’uuliyiin Soomaaliya.

Kulanka oo ay Golaha Wadatashiga Qaranku ku yeesheen habka fogaan aragga, ayaa looga hadlay dhammeystirka howlaha doorashooyinka, xaaladda amniga iyo sidii wax looga qaban lahaa abaaraha ka jira dalka, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska Rooble.

Faah-faahinta intaas dheer lagama bixin kulanka, hase yeeshee waxaa la rumeysan yahay in  golaha ay isku dayayaan inay doorashada Golaha Shacabka dhammeeyaan kahor 25-ka Febraayo, oo ah muddada uu u qabtay Mareykanka, taasi oo ay naga xigto kaliya 15 maalmood.

Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka Antony Blinken ayaa Talaadadii ku dhowaaqay soo saarista xayiraado Visa oo ka dhan ah shakhsiyaad hadda xilal ka haya iyo kuwa horey uga soo qabtay Soomaaliya, oo lagu eedeeyey inay mas’uul ka yihiin waxyeeleynta hanaanka dimoqraadiyadda Soomaaliya.

Blinken ayaa bayaan uu soo saaray ku yiri “Maanta, ayada oo ay ku beegan tahay sanad-guuradii koowaad ee marka uu muddo xileedka ka dhammaaday madaxweynaha Soomaaliya, waxaan ku dhowaaqayaa fulinta xeerka Socdaalka Qaranka qeybtiisa 212(a)(3)(C), kaasi oo diidaya in Visa la siiyo shakhsiyaad xilal ka haya iyo kuwa horey uga soo qabtay Soomaaliya, kuwaasi oo la rumeysan yahay inay mas’uul ka yihiin waxyeeleynta hanaanka dimoqraadiyadda Soomaaliya.”

Blinken ma shaacin magcayada shakhsiyaadkan lagu beegsaday siyaasaddan.

Mareykanka ayaa horey u sheegay inuu xayiraado la beegsan doono madaxda Soomaaliya haddii aan doorashada lagu dhameyn kahor 25-ka Febraayo, waxaana laga cabsi qabaa inuu soo rogo kuwa cusub