Golaha wakiilada S/land oo ansaxiyay 7 xubnood oo ah gudiga doorashada

Muqdisho (Caasimada Online)-Golaha wakiilada ee maamulka Somaliland, ayaa si aqlabiyad ah u ansaxiyay 7-xubnood oo ah gudiga doorashada Maamulka Somaliland.

Kulankaani lagu magacaabay Xubnaha, ayaa waxaa shir gudoominaayay Cabdiraxmaan Cirro oo ah gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland, iyadoona la sheegay in kulankaasi ay soo xaadireen ilaa 70 mudane.
Xubnaha loo xushay gudiga doorashada maamulka Somaliland, ayaa waxa ay kala yihiin:-

1- Maxamed Jaamac Maxamed

2- Maxamuud Jaamac Wacays

3- Kaltuun Sheekh Xasan Cabdi

Golaha Guurtida waxa ay soo magacaabeen Laba xubin oo kala ah.

1- Saciid Cali Muuse

2- Cabdirisaaq Iimaan Warsame

Xisbiga Ucid ayaa isna soo magacaabay Hal xubin oo ah.

1- Cabdifitaax Ibraahim Xasan.

Xibsiga Wadani isna Hal xubin oo ah.

1- Cabdiraxmaan Cismaan Cali

Dhnaka kale, Maamulka Somaliland ayaa la filayaa in ay wajahdo doorashooyinka Baarlamaanka iyo midka madaxtinimada, waxaana hadda socda qabqanqaabada Doorashooyinkaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com