Golaha Wasiirada Kenya oo go’aan ka gaaray xiisadda kala dhaxeysa Somalia

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa maanta guddoomiyey shir golaha wasiirada dalkaas ay yeesheen oo looga xaajooday sidii tub loogu dejin lahaa xalinta “muranka xuduudda badda” ee kala dhaxeeya Soomaaliya.

Golaha wasiirada ayaa isku raacay tallaabooyin ay tahay in la qaado, si loo xaliyo xiisadda kala dhaxeysa Soomaaliya, islamarkaana loo ilaaliyo dhulka Kenya, sida lagu sheegay email uu soo diray xafiiska madaxweyne Kenyatta.

Wasaaradda arrimaha dibedda Kenya ayaa la sheegay inay qaraarkan shaacin doonto goor dhow oo galabta ah, sida lagu sheegay bayaanka.

Dowladda Kenya ayaa toddobaadkii tagay dalkeeda ka cayrisay safiirkii Soomaaliya, ayada oo u yeeratay midkeeda, kadib markii dowladda Soomaaliya ay ku eedeysay inay xaraashtay xirmooyin shidaal oo ku yaalla dhul-badeed ay Kenya leedahay. Eedeymahaas oo ay beenisay dowladda Soomaaliya.

Dib ayaan idin kala soo socodsiin doonnaa, marka uu soo baxo qaraarka, ha ka fogaan Caasimada Online, Insha Allah.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com