Golaha wasiirada oo Baarlamanka la hor geynayo maanta iyo shirqool loo sii diyaariyay. (Warbixin)

Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon ayaa la filayaa in Golihiisa cusub ee Wasiirada uu horgeeyo Golaha Baarlamaanka Soomaaliya, soo loo siiyo kalsoonida Baarlamaanka.

Laakiin, waxaa jira warar sheegaya in Mudanayaal ka tirsan baarlamaanka ay qorsheynayaan mooshin ka dhan ah ansixinta Golaha cusub ee Wasiirada cusub.

Xildhibaannada ayaa ka soo horjeeda tirada kooban ee Wasiirada cusub oo ah toban wasiir oo kaliya.

Waxay ku eedeynaya Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynuhu inay garab mareen dastuurka u degsan dalka.

Golaha Wasiirada cusub ee uu soo dhisay Ra’iisul Wasaaraha ayaa ah tiradii ugu yarayd ee wasiirro ah, marka loo eego xukuumadihii ugu dambeeyey ee Soomaaliya.

Xubnaha wasiirada cusub oo ay ku jiraan laba dumar ah, ayaa waxaa ay kala yihiin:

Madaxweynaha iyo Raiisul Wasaaraha oo hoos u wada hadlaya markii wasiirrada lagu dhawaaqayay

1. Fawsiya Yuusuf Xaaji Aadan, Ra’iisul Wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibedda

2. Cabdullaahi Abyan Nuur, Wasiirka Garsoorka iyo Arrimaha diinta iyo awqaafta

3. Cabdixakiin Xaaji Maxamuud Xaaji Fiqi, Wasiirka Gaashaandhiga

4. Axmed Maxamuud Xasan, Wasiirka Wasaaradda Qanacsiga iyo Warshadaha iyo Maalgeshiga

5. Cabdirisaaq Cumar Maxamed, Wasiirka Wasaaradda Kheyraadka Badda

6. Cabdikariin Xuseen Guuleed, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka

7. Maxamuud Xasan Suleymaan Cawil, Wasiirka Maaliyadda iyo Qorsheynta Qaranka

8. Cabdullaahi Ciilmooge Xirsi, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Isgaarsiinta

9. Muxiyadiin Maxamed Kaalmoy, Wasiirka Howlaha guud iyo dib u dhiska

10. Maryan Qaasim, Wasiirka Hormarinta adeega bulshada