Dad ku geeriyooday iyo kuwo ku dhaawacmay magaalada Kismaayo.

Shil gaari oo khasaaro gaystay ayaa waxaa uu saakay ka dhacay Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada hoose markii gaari dad rikaab ah waday uu qalibmay.

Sida goob joogayaal ku sugan halka Shilka ka dhacay ay sheegeen dhaawac iyo dhimasha ayaa ka dhashay shilka gaari ee duleedka Kismaayo ka dhacay.

Deegaan qiyaastii 15 km u jira Kismaayo ayuu ka dhacay Shilkaan waxaana ku dhintay labo Ruux oo kamid ahaa rikaabka gaariga saarnaa.

Waxaa kale oo jira in dad ka badan intaas ay soo gaareen dhaawacyo waxaana dib loogu celiyay Kismaayo halkaas oo Cisbitaal laga dhigay.

Dadka dhaawacmay ayaa waxaa ay qaarkood ahaayeen ganacsatada Magaalada Kismaayo ugu caansanaa.