70 Xildhibaan oo runta u sheegay Madaxweynaha iyo R/Wasaaraha.

ugu yaraan 70 xildhibaan oo ka tirsan mudanayaasha cusub ee dowladda Somalia ayaa kulan ay maanta ku yeesheen Hotel Jaziira ee ku yaalla degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay inay kasoo horjeedaan tirada laga dhigay Wasiirada dowladda Somalia.

Kulankaan ayaa waxaa la qeyb galay xildhibaano si weyn loo yaqaanno kuwaas oo xukuumadihii Kmg ahaa xilal kasoo qabtay waxaana ay dhaliilsan yihiin tirada iyo qaabka uu u soo xulay Ra’iisul Wasaraaha golaha Wasiirada dowladda cusub kuwaas oo laga dhigay ilaa 10 wasiir walina  aan la magacaabin wasiir ku xigeenno iyo wasiir dowlayaal.

Xildhibaan Ibraahin Suleeymaan Nuur oo kamid ah Baarlamanka isla markaasna goob joog ka ahaa kulankaan ayaa ku hadlay magaca xubnihii Baarlamaanka ee ka badnaa 70-ka xubnood kuwaas oo si cad u sheegay inay kasoo horjeedaaan qaabka ay wax u wadaan Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon.

“waxay sameeyeen qodobo ka hor imaanaya dastuurka walina ma soo dhamaystirin golaha wasiirada oo wali lama magacaabin Wasiir kuxigeeno iyo wasiir dowlayaal ayuu yiri Xildhibaan Ibraahin Suleeymaan Nuur.

Xubnahaan Baarlaman ee ku shiray magaalada Muqdisho ayaa sheegay in qodobada awood qeybsiga dastuurka ay ka talaabsadeen waxaana ka dhex muuqanayay Maxamed Qanyare,C/raxman Xoosh Jibriil,Sureera,Mustaf Dhuxulow,C/laahi Goodax Bare iyo xildhibaano kale oo si weyn looga yaqaano siyaasadda Somalia.

Hadalka Xubnahaan ee ah in dastuurka qodobo ka mid ah la dhinac maray ayaa waxaa uu taabanayaa habka wasiirada beelaha si isku mid ah loogu qeybiyay 5-ta beelood oo min labo la siiyay iyadoo beesha 5-aad uu dhigaayo dastuurka inay heleyso labo meelood meel tirada kusoo aada afarta beel kale sida Hawiye,Daarood,Digil iyo Mirifle iyo Beesha Dir.

Si kastaba maalmahan ayaa soconayay guux ku aadan sida baarlamanka uu ku meel marin lahaa xubnaha tirada yar ee Wasiirada ooh al wasiir kaliya uu xildhibaan ka yahay.