Xildhibaano xule lagu dilay Muqdisho.

Alaha u naxariisto waxaa maqribnimadii caawa lagu dilay degmada Waabari ee magaalada Muqdisho Malaq Issaq Ibraahim oo kamid ahaa odayaashii dhaqanka ee 135 xubnoo ka koobnaa ee soo xulay 275 xildhibaan ee dowladda Somalia.

Kooxo hubaysan oo aan la ogayn cida ay ka tirsan yihiin ay bistoolad ku toogteen Malaaq Isaaq Ibraahim oo ku sugnaa gurigiisa degmada Waabari ee magaalada Muqdisho kadibna ay isaga baxsadeen.

Malaaq Isaaq Ibraahim ayaa dhaawac uu kasoo gaaray rasaastaas waxaana loola cararay isbitaalka Daaru Shifa ee degmada Hodan halkaas oo daqiiqado kadib uu u geeriyooday dhaawacii soo gaaray.

Guriga Malaaqa ayaa ku Yiilay Xaafadda Via Leberia ee degmada Waabari halkaas oo sidoo kale horey dil loogu gaystay Xildhibaan Mustaf oo kamid ahaa xildhibaanada cusub isla markaasna Sodog u ahaa madaxweynihii hore Somalia Shariif Sheekh Axmed waxaa kaloo lagu dilay isla deegaanka Waabari Abwaan Warsame Shirwac.

Malaaqan ayaa kamid ahaa malaaqyada Digil  iyo Mirifle waxana uu ahaa nin nabadda jecel.

Si kastaba Dilalka,qaraxyada,iyo arrimo kale oo amaan darro ah ayaa Magaalada Muqdisho iyo qeybo kamid ah dalka Somalia marti ay u noqdeen.