Sawirro: Golaha wasiirada oo ansixiyey heshiis ay galeen Soomaaliya iyo Turkiga

Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnaha golaha wasiirada xukuumada federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta kulankooda caadiga ah ee todobaadlaha ku yeeshay xarunta Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan xafiiska ra’iisul wasaare Xamza Cabdi.

Kulanka oo ay soo xaadireen inta badan golaha wasiirada ayaa waxaa guddoomiyey ra’iisul wasaare ku xigeenka, Saalax Axmed Jaamac, iyadoo diiradda lagu saaray arrimo dhowr ah.

Golaha ayaa meel-mariyey heshiiska habmaamuuska ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, kaas oo uu golaha wasiirada horgeeyey wasiirka wasaaradda gaashaandhigga xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudana Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac).

Heshiiskan ayaa ku saabsan qaab dhismeedka tababarka iyo iskaashiga caafimaadka ee ciidamada, waxaana ujeedada ay tahay dajinta hanaan iskaashi oo diiradda lagu saarayo dhinacyada caafimaadka ee ciidamada, kaas oo u dhexeeyo dalalka Soomaaliya iyo Turkiga.

Sidoo kale waxaa shirka golaha wasiirada warbixin looga dhageystay wasiirka amniga gudaha oo ka warbixiyey ammaanka dalka iyo howlgallada ka socdo qaar ka mid ah gobollada dalka, isaga oo shaaca ka qaaday in jab xoogan lagu gaarsiiyey Al-Shabaab.

Golaha wasiirada ayaa dhankooda boggaadiyey howlgallada wadajirkaa ah ee ka socda gobollada Hiiraan iyo Galgaduud ee ay iska kaashanayaan ciidamada iyo Macawiisleyda.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ayaa sidoo kale shirka Golaha Wasiirrada u soo bandhigtay howlaha gurmadka abaaraha halka ay marayaan, waxayna mar kale ku celisay baaqii dowladda ee ku aaddanaa in gurmad lala gaaro shacabka la daalaa dhacaya abaaraha inta aysan isku badelin macluul.

Ugu dambeyn ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka oo soo xiray kulanka ayaa golaha la wadaagay warbixin ku saaban shirkii golaha wadatashiga qaranka ee dhowaan lagu soo gabagabeeyey Muqdisho, kaas oo laga soo saaray war-murtiyeed ka kooban dhowr qodob.