24 C
Mogadishu
Sunday, February 1, 2026

Golaha wasiirada Sacuudiga oo soo saaray go’aan muhiim ah oo ku saabsan Soomaaliya

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Riyadh (Caasimada Online) — Golaha Wasiirrada Boqortooyada Sucuudiga ayaa markale carrabka ku adkeeyay mowqifkooda ku aaddan taageerada madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyagoo si cad u diiday isku-day kasta oo lagu abuurayo “maamullo bar-bar yaalla” oo wiiqaya midnimada qaranka iyo xuduudaha caalamku aqoonsan yahay ee Soomaaliya.

Warkan oo ay baahisay Wakaaladda Wararka Sucuudiga ee SPA, ayaa kasoo baxay kulan toddobaadle ah oo uu guddoominayay Boqor Salmaan bin Cabdicasiis. Go’aankan ayaa kusoo beegmaya xilli xukuumadda Muqdisho ay kordhisay dhaq-dhaqaaqyadeeda diblumaasiyadeed, kaddib tallaabadii Israa’iil ay bishii December ee lasoo dhaafay ku aqoonsatay Somaliland—gobolka waqooyi ee ku dhawaaqay gooni-isu-taagga sannadkii 1991-kii balse aan weli helin aqoonsi caalami ah oo buuxa.

Sida lagu xusay bayaanka kasoo baxay Riyadh, Golaha Wasiirrada ayaa sheegay in Boqortooyadu ay kasoo horjeeddo “nidaam kasta oo bar-bar yaalla oo ka horimaanaya midnimada Soomaaliya iyo bed-qabka dhulkeeda,” waxaana ay ka digeen faragelin kasta oo liddi ku ah gobonimada dalka.

Dhinaca kale, xukuumadda Riyadh ayaa soo dhoweysay qodobbadii kasoo baxay shirkii degdegga ahaa ee Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ee bishii tagtay ka dhacay magaalada Jeddah si looga arrinsado xaaladda Soomaaliya.

Shirkaas OIC, oo ay codsatay dowladda Soomaaliya, ayaa lagu xoojiyay mowqifka soo jireenka ah ee ururkaas ee garab istaagga midnimada Soomaaliya, iyadoo la cambaareeyay tallaabo kasta oo dhiirrigelinaysa kala-goynta dalka ama isku-dayga in dib loo jeexo xuduudaha Geeska Afrika, oo ah gobol leh muhiimad istiraatiijiyadeed oo caalami ah.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku tilmaantay aqoonsi kasta oo la siiyo Somaliland mid baal-marsan sharciga caalamiga ah, halisna ku ah xasilloonida gobolka, iyadoo ku doodeysa in dowladnimo aan lagu dhisi karin hanaan hal dhinac ah oo aan raalli ka ahayn dowladda dhexe.

Hadalka kasoo baxay Sucuudiga ayaa kusoo aadayo xilli loolanka juqraafi-siyaasadeed ee Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed uu sii kordhayo, iyadoo khubarrada gobolku ay ka digayaan in tartanka dowladaha shisheeye uu huriyo khilaafyada gudaha Soomaaliya.

Sacuudiga oo ah saaxiib dhow oo dhanka gargaarka iyo diblomaasiyadda u ah Soomaaliya, ayaa farriintan u diray si loo mideeyo mowqifka caalamiga ah ee ka dhanka ah kala-qaybsanaanta Soomaaliya, xilli xasaasi ah oo uu jiro loolan xooggan oo ka socda marinka Badda Cas.

- Advertisement -

Read more

Local News