Golaha wasiirada Sudan oo war kasoo saaray kulankii Jeneral Burhan & Netanyahu

Khartoum (Caasimada Online) – Golaha wasiirada Sudan ayaa maanta sheegay in hoggaamiyaha dalkaas Jeneral Abdel Fattah al-Burhan uusan ra’iisul wasaaraha Israel u ballan-qaadin “hagaajinta xiriirka” labada dal.

Al-Burhan, oo madax ka ah golaha xukuma Sudan, ayaa wada-hadallo aan horey loo qorsheyn waxa uu magaalada Entebbe ee dalka Uganda Isniintii kula yeeshay ra’iisul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu, taasi oo u muuqatay astaan Sudan ay kusoo afjareyso qaadacaaddeeda muddada fog ee Israel.

Waxyar un kadib wada-hadallada, Netanyahu ayaa ku dhowaaqay in labada hoggaamiye ay isku raaceen inay ka wada shaqeeyaan sidii loo hagaajin lahaa xiriirka.

Golaha wasiirada ku-meel gaarka ah ee Sudan ayaa maanta sheegay in la-kulanka Netanyahu uu ahaa “aragtida shakhsi” ee al-Burhan, islamarkaana uusan u sameyn wax ballan-qaad ah.

“Madaxa golaha madax-banaanida waxaa uu noo sheegay…inuusan wax ballan ah sameyn, kalana hadlin hagaajinta xiriirka,”waxaa sidaas yiri afhayeenka dowladda Faisal Mohamed Salih.

Salih ayaa sheegay in arrinta xiriirka Israel ay tahay wax aysan dowladda ku-meel gaarka ah ee iminka jirta ku qasbaneyn inay go’aan ka gaarto.

“Dowladda waxay haysataa waajibaad aad u xadidan. Arrinta xiriirka Israel waa wax ka baxsan waajibaadkeeda,” ayuu yiri.

Dowladda ku-meel gaarka ah ee Sudan waxaa hoggaamiya ra’iisul wasaare Abdalla Hamdok, halka Al-Burhan uu madax ka yahay golaha xukuma dalka, oo ka kooban shacab iyo militari, kaasi oo shaqadiisu tahay in dalka uu ka saaro ku-meel gaarnimada, islamarkaana awoodda ku wareejiyo xukuumad rayid ah.