G/Wasiirrada oo ansixiyay magacaabista mas’uuliyiin sare iyo heshiis xasaasi ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka Golaha Wasiirrada oo maanta uu shir-guddoomiyey Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa looga hadlay xaaladda amniga guud ee dalka.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dardar-gelinta howlgallada dib-u-xoreynta deegaannada ay ku dhuumaaleysanayaan kooxaha argagixisada ah, oo guulo waaweyn ay ka soo hooyeen ciidamada qaranka iyo kuwa deegaanka.

Golaha ayaa sidoo kale ansixiyey magacaabista Maareeyaha iyo Maareeye ku-xigeenka Hay’adda Sharciyeynta Adeegyada Baaritaanka iyo Beeraha Soomaaliyeed.

Xubnaha la magacaabay ayaa kala ah; Cabdi Maxamed Xuseen, Maareeyaha Guud, halka Liibaan Cabdi Xasan loo magacaabay Maareeye ku-xigeenka.

Magacaabistan ay maanta ansixiyeen Golaha Wasiirrada ayaa ku timid soo-jeedinta Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale, kulanka maanta ayaa lagu meel-mariyey heshiis is-afgarad oo ku saabsan arrimaha Batroolka iyo Gaaska oo u dhexeeya dowladaha Soomaaliya iyo Azerbaijan, iyo xeerka Xarunta Shaqada ee Ururka Iskaashiga Islaamka.

Horey Soomaaliya iyo Azerbaijan waxay u gaareen heshiisyo dhowr ah, kadib markii bishaan uu madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo wafdi uu hoggaaminayo booqashadii ugu horreysay ku tageen Azerbaijan.

Heshiisyadii hore ee la saxiixay waxaa ka mid ah: kobcinta iskaashiga waxbarasho, siinta deeqo waxbarasho ardayda Soomaaliyeed, horumarinta cilmi-baarista, iyo hal-abuurka.

Dhinaca amniga iyo difaaca, labada dal waxay markaas ku heshiiyeen wada-shaqeyn dhow oo ku aaddan tababarada ciidamada, la-dagaallanka argagixisada, iyo tayeynta hay’adaha amniga.

Sidoo kale, waxay isku afgarteen in la casriyeeyo maamulka dowliga ah, iyadoo la dardar-gelinayo adeegyada dadweynaha iyo dowlad wanaagga.

Sidoo kale, waxaa markaas la isla gartay in Azerbaijan ay Soomaaliya ka taageerto horumarinta tamarta, gaar ahaan dhinacyada shidaalka, gaaska, iyo tamarta la cusboonaysiin karo, taas oo haatan la ansixiyay.