Jowhar (Caasimada Online) – Dowladaha Mareykanka iyo Turkiga ayaa taageero weyn u muujiyay dagaalka ka socda deegaannada maamulka HirShabeelle, kaasi oo haatan maraya marxalad xasaasi ah.
Safiirrada labada waddan, oo xiriir la soo sameeyay Madaxweynaha maamulka HirShabeelle, Cali Guudlaawe, ayaa u xaqiijiyay sida ay u garab taagan yihiin dagaalka naf-hurka ah ee ay ku jiraan reer HirShabeelle.
Madaxweyne Cali Guudlaawe, oo waqti kooban dib ugu soo laabtay xafiiskiisa, ayaa shir fogaan-arag ah la qaatay Danjiraha Dowladda Mareykanka u fadhiya Soomaaliya, Mr. Richard H. Riley.
Labada dhinac ayaa ka wada hadlay howlgalka dabar-goynta argagixisada ee ka socda HirShabeelle, kaas oo cashar loogu dhigay kooxda Al-Shabaab.
Safiirka Dowladda Mareykanka, Amb. Richard, oo uu wehliyo Col. Norris, Madaxa Isku-duwaha Kooxda Howlgalka Soomaaliya, ayaa taageeradooda u xaqiijiyay Madaxweynaha HirShabeelle xilli uu ku jiro xaalad dagaal oo adag.
Sidoo kale, safiirka ayaa xusay inay garab taagan yihiin oo ay kala shaqeynayaan HirShabeelle sidii guul looga gaari lahaa dagaalka Al-Shabaab, isagoo tilmaamay inay ka taageeri doonaan dhinacyada milateriga iyo bini’aadannimada.
Dowladda Mareykanka ayaa ku bogaadisay Madaxweynaha HirShabeelle hoggaamintiisa iyo abaabulkiisa la xiriira dagaalka, iyadoo Guudlaawe uu sheegay in cid walba oo xilligan garab istaagto aysan iloobi doonin.
“Waqti adag ayaad garab istaag inoo muujiseen, waan idin kaga mahadcelinayaa xiriirka aad nala soo sameyseen. Kaalin weyn ayaad ku leedihiin dagaalka socda, waxaadna waqti geliseen sidii HirShabeelle ay xor ku noqon lahayd,” ayuu yiri Madaxweyne Cali Guudlaawe.
Dhinaca kale, safiirka Dowladda Turkiga, Danjire Alper Aktas, oo wada-hadal khadka telefoonka ah la yeeshay Madaxweyne Guudlaawe, ayaa tacsi u diray intii ku dhimatay dagaalka, isagoo Rabbi uga baryay caafimaad inta ku dhaawacantay howlgalka dabar-goynta Khawaarijta.
Danjire Alper Aktas ayaa tilmaamay in laga adkaan doono argagixisada waqti dhow.
“Farriinta Dowladda Turkiga, oo ka mid ah walaalaha Soomaaliya, waxay dhiirrigelin u tahay dhammaan naf-hurayaasha taagan furimaha dagaalka HirShabeelle,” ayuu yiri Cali Guudlaawe.
Gunaanadkii, Madaxweyne Guudlaawe ayaa uga mahadceliyay Danjiraha Dowladda Turkiga ee u fadhiya Soomaaliya wada-hadallada khadka telefoonka iyo taageerada uu u muujiyay.