Wasiiradii oo la kala qaatay + Beelo waa weyn oo daaqadda ka baxay + Tirada + Goorta lagu dhowaaqayo.

Warar na soo gaaray ayaa sheegaya in golaha wasiirada cusub lagu dhowaaqi doono maalinta arbacada ah, kadib markii ugu dambeyn la isku raacay tiradooda.

Loolaankii u dhaxeeyay madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha ee ku aadanaa tirada golaha wasiirada, ayaa la sheegay in ugu dambeyn uu ku adkaaday madaxweynaha oo laga dhigay kaliya 9 wasiir.

Waxaa sidoo kale la magacaabi doonaa 9 wasiir ku xigeen iyo 4 wasiiru dowle.

Wasaarad walba waxaa hoos iman doontaa illaa afar wasaaradod, si loo dhiso dowlad aad iyo aad u kooban, balse tayo leh sida madaxweynuhu ku dooday.

Tani macanheedu waxa ay tahay in beelo badan oo waa weyn ay wasiir la’aan ku dhacday oo ay daaqadda ka baxeen.

Beelaha Hawiye, waxaa ugu weyn oo wasiir la’aan noqon doona beesha Murusade, inkasta oo Abgaal aysan heleyn wasiir, balse ayagu ay heystaan madaxweyne, oo aanay dacwad qabin.

Hawiye waxa ay heleen laba wasiir, waxaana kala qaatay Habar Gidir ( Sacad) iyo Xawaadle.

Jagada Habar Gidir waxaa loo magacaabi doonaa Cabdikariim Xuseen Guuleed, oo ka tirsan kooxda Damul Jadiid ee madaxweynaha, waana wasiirka arrimaha gudaha, amniga iyo qaranka.

Beelaha Daarood waxaa heli doona Majeerteen iyo Ogaadeen, waxaana daqaada ka baxay beelo ay Dhulbahante ugu weyn yihiin, inkasta oo Mareexaan ayagu ay heystaan ra’iisul wasaare oo aysan dacwad qabin.

Beelaha dir waxaa qaatay Isaaq Habar Jeclo, oo gabar kasoo jeedo loo magacaabi doono wasiiraka Arrimaha, dibedda, xiriika caalamiga ah iyo qorsheynta qaranka.

Beesha kalena waa Dir Biyamaal, oo aan helin qofka ay soo dirsadeen.

Digil iyo Mirifle, waxa la kacay Leesaan iyo  Bagadi, sida aan xogta ku helnay.

Beesha Shanaad, waxaa soo gaaray hal wasiir, waxaana qaadan doona hogaamiyaha ruuxiga ah ee kooxda Damul Jadiid, Faarax Cabdul Qaadir, oo loo magacaabi doono Wasiirka waxbarshada hiddiha iyo tacliinta sare. Waxa uu kasoo jeedaa reer Aw-Xasan.

Xildhibaano badan ayaa ka carreysan arrintan, waxaana ay ku hanajbeen inaysan dowladda ansixin ka heli doonin baarlamanka.

Wixii kusoo kordha ee xog ah nagala soco dhowaan insha allah.