28.2 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Goobta iyo goorta uu shirka gobollada dhexe furmayo oo shaaca laga qaaday

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Cadaado (Caasimada Online) – Gudiga farsamada maamul u sameynta gobolada dhexe ee Soomaaliya ayaa ka hadlay halka uu marayo qorshaha furitaan shirka maamul u sameynta gobolada dhexe ee Soomaaliya.

Afhayeenka gudigaasi Cumar Cali Rooble, oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in meel wanaagsan ay marayaan qorshaha la doonayo in maamulkaasi looga sameeyo gobolada dhexe ee Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in haddii aysan wax kale dhicin la qorsheynayo in 25 bishaan uu ka furmayo shirkaasi magaalada Cadaado ee maamulka Ximan iyo Xeeb.

“Shirka arimihii wey soo dhamaaday, isku dhacii oo dhan waa la xaliyay, madaxdii dowlada ee loo diray Dhuusomareeb ayaa soo idleeyay wax walbaa, waxii ka dambeeya 25 bishaan wuu furmayaa shirkaasi, cid kastaa oo dooneysa in la doorto wey isa soo sharaxeysaa”.ayuu yiri afhayeenka.

Dhanka kale wuxuu sheegay in ciidamada AMISOM ay halkaasi ku tagi doonaan amarka dowlada Soomaaliya si ay amaanka u xaqiijiyaan.

“AMISOM waxay Mandate ku heysataa ka shaqeynta Soomaaliya, amar ayay siineysa dowlada oo ah iney howlgalka ka sameeyaan Cadaado oo amaanka ay xaqiijiyeen”ayu hadalkiisa ku daray.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News