Goodax: Ardayda Puntland waa inay imtixaanka galaan ama shahaado soo raadsan

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda waxbarashada Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Goodax Barre ayaa dib u soo celiyey dagaalka wasaaradiisa kala dhexeeyey Puntland, wuxuuna sheegay in ardayda maamulkaasi aysan sii doonin Shahaadada dugsiga sare, haddii aysan ka qeyb gelin Imitixaanaadka dowladda dhexe.

Cabdullaahi Goodax Barre oo la hadlay Telefishinka BBC-da ayaa tilmaamay in weli aan xal dhab ah laga gaarin khilaafkii ka taagnaa Imtixaanka ee dowladda iyo Puntland.

Wasiirka ayaa sidoo kale xusay in Puntland ay rabto inay Imtixaanka qaado, islamarkaana ay iyagu ka wasaarad ahaan ka soo horjeedaan arrintaasi.

“Puntland aragtidooda waxa waaye Imtixaanka annagaa qaadeyno, Wasaaradda Waxbarashada oo Imtixaanka agaasinto ma rabno in aan wax la wadaagno in macluumaadka ardayga u sheegno, anaga agaasimeena, kaliya Wasaaradda waxbarashada shahaadada ha siiyaan, anagana waxaa niri arrintaas macquul ma ahan, inay ayaga is maamulaan anagana aan shahaado bixino oo aysan shaqeysan cadaalad ma ahan.“ ayuu yiri Wareysigaan ku yiri wasiir wasaaradda waxbarashada Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in  Puntland ay ka wada hadleen arrimahaan, balse ay ku adkeysaneyso in aysan ka qayb gali doonin imtixaanadka dowadda dhexe.

Goodax Barre ayaa sidoo kale ugu baaqay Puntland in ay ka qayb gasho imtixaanka ama ay isku tashato, sida uu hadalka udhigay.

“Puntland waa in ay imtixaanka galaan ama aysan shahaado soo raadsan oo ay isku filnaadaan”ayuu mar kale yiri wasiirku.

Weli madaxda sare ee Puntlad kama jawaabin hadalka ka soo yeeray xukuumadda Soomaaliya, gaar ahaan wasaaradeeda waxbarashada, kaas oo ku soo aadaya iyadoo horay Puntland ugu eedeysay dowladda federaalka inay Shahaadada u diiday ardaydii galay Imtixaanaadkii dugsiyada sare ee deegaanada maamulkaasi sanad dugsiyeedkii la soo dhaafay.