Kheyre oo teleefon u diray madaxweyne ku xigeenka Turkiga kadib dhulgariirka

Muqdisho (Caasimadda Online) – Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Dowladda Iyo Shacabka Turkiga Uga Tacsiyeeyay Dhibaatadii Ka Dhalatay Dhul Gariirkii Gobalka Elazig

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya  mudane Xasan Cali Khayre ayaa dowladda aan walaalaha nahay ee Turkiga uga tacsiyadeeyay dhibaatadii ka dhalatay dhul gariirkii ka dhacay gobalka Elazig ee Bariga Turkiga.

Mudane Xasan Cali Khayre oo khadka Taleefoonka kula xiriiray madaxweyne ku-xigeenka Turkiga, Fuat Oktay, ayaa u muujiyay sida dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay uga tiiraayoonayaan dhibaatadii ka dhalatay dhul Gariirka.

“Ra’iisul Wasaaraha ayaa u rajeeyay dadka waxyeeladdu kasoo gaatay dhul gariirka in si dhaqsa leh ay ku bogsadaan” Ayaa lagu soo xiray warka ka soo baxay Xasan Xasan Cali Khayre Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Dhulgariirka ku dhufta Turkiga ayaa waxay wararkii ugu dambeeyey ee laga helayo sheegayaan inay ku dhinteen 22 qof, waxaana burburay guryo badan.

Wasiirka arrimaha gudaha ee Turkiga Sulaymaan Soylu ayaa sheegay in 1000 qof oo kale ay dhulgariirka ku dhaawacmeen.

Waxa uu sheegay in kooxaha gurmadka degdega ah ay baadigoobayaan 30 qof oo ku xayiran burburka hoostiisa.

Dhul gariirka ayaa ku dhuftay bariga Turkiga abaare 9-kii fiidnimo ee xilliga dalkaasi, waxaa uuna dhulka ku daray dhismooyin iyadoona la arkayay dadka deegaanka oo ku cararyay waddooyinka.

Boqaal shaqaalaha samatabixinta ayaa lagu dabaalay gudaha iyo banaanka deegaankaasi.