30.9 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

Goodax Barre oo la gorgortamaya CCC

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo aan helnay ayaa sheegaya in C/llaahi Goodax Barre oo ah Sii haayaha Wasaarada arimaha gudaha uu xiligaani gorgortan kula jiro Ra’isul wasaaraha dalka Cumar Cabdirashiid Cali.

Goodax Barre oo saaxib dhow la ahaa Madaxweynaha, bayaa waxa ay ku kala irdhooben xulashada xukuumadii maalmo ka hor uu soo yagleelay R/W CCC, waxa uuna xiligaani u muuqdaa inuu dadaal adag ugu jiro sidii uu ku xaqiijin lahaa hadafkiisa ah inuu ka dhex muuqdo Xukuumada soo socta, inkastoo ay caqabad heysato.

Goodax Barre ayaa waxa uu ka mid ahaa shaqsiyaadka kasoo horjeeday Liiska Golaha wasiirada ee uu soo dhisay CCC, hayeeshe waxa uu iminkana doonayaa inuu dib uga mid noqdo Wasiirada soo socda, taa beddelkeedna uu xildhibaano badan usoo jebiyo dhanka CCC.

Goodax, ayaa u sheegay CCC inuu xaqiijin karo inuu u keeno ugu yaraan 50 xildhibaano, haddii uu dhowr wasaaradood u ballan qaado xildhibaanada kutlada toosinta tallada dalka.

Ka sokoow kamid ahaanshihiisa Xukuumada Cusub, ayaa waxaa jira in Xildhibaanada BF ay Olole ugu jiraan si aan Xukuumada cusub loogu soo darin Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka, kadib markii ay ku micneeyen mid sababi karta Khilaaf aan xal laheyn.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News