25.8 C
Mogadishu
Monday, June 23, 2025

Goodax oo arrin halis ah kawada magaalada Beledweyne & Qorshihiisa oo la bixin la’ yahay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-C/laahi Goodax Barre oo kamid ah BFS, ayaa gaaray magaalada Baledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, waxaana lasoo sheegayaa in ujeedkiisa uu yahay sida uu ugu biiri lahaa Odayaasha ku shirsan magaalada Beledweyne.

Goodax ayaa la sheegayaa in Odayaasha iminka ku shirsan magaalada Beledweyne uu ku tashkiilinaayo sida ay uga tashan lahaayen aayahooda, isaga oo si ganbasho la’aan ahna halkaasi uga sheegay in DFS aysan waxba u heyn.

Shirka oo ah mid lagu heshiisiinaayo Beelaha ayaa waxaa lagu soo bandhigayaa waxyaabaha ay Dowlada ka waayen Beelaha Hiiraan iyo waxyaabaha ay ka heleen inkastoo Xildhibaan Goodax uu halkaasi kawado tashkiilinta Odayaasha oo iyaguba horay u kala shakisanaa.

Goodax keliya waxa uu arrin xaqiiq ah ku tilmaamay inay wanaagsan tahay in la heshiisiiyo beelaha dega Gobolka Hiiraan, taasi cagsigeedana loo baahan yahay in la yeesho mowqif mideysan oo lid ku ah DFS oo uu sheegay in mar waliba ay ku dhiiraneyso ka gaabinta xuquuqda beelaha dega Hiiraan.

Sidoo kale, wuxuu dadka reer Hiiraan uu kula dardaarmay inaanay u joojin kala qaybinta uu sheegay inay ku hayso Madaxtooyada Somaliya, islamarkaana aysan aqbalin waxa aanay rabin.

Dhanka kale, Goodax ayaa wada shirar gooni-gooni ah oo uu ku tashkiilinaayo Odayaasha Hiiraan, si ay mowqif mideysan uga qaatan Dowlada Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News