Goodax oo soo jeediyey in la baaro ‘xiriirka’ Farmaajo iyo Al-Shabaab kadib markii…

Ankara (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee waxbarashada Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa soo jeediyey in la baaro xiriir uu sheegay inuu ka dhaxeeyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo kooxda Al-Shabaab. 

Cabdullaahi Goodax ayaa qoraal uu soo dhigay facebook ku sheegay in Farmaajo uu weligiis diidanaa la-dagaalanka kooxda Al-Shabaab, haddana uu ku howlan yahay fashilinta dagaalka ka dhanka ah kooxdaas ee ka socda qeybo ka mid ah dalka. 

“Inta aan ka aqaan Farmaajo, marnaba raalli kama ahayn la dagaalanka khawaarijta UGUS, taa waxaa u dheereyd isir nacaybka gobollada iyo beelaha qaar uu ku bartilmaameedsanaayay muddadii uu xilka hayay,” ayuu yiri Cabdullaahi Goodax Barre.

Waxa uu intaas ku daray “Waa ayaandarro iyo nasiib xumo weyn in isagoo Ankara jooga uu ku hawlanyahay fashilinta la dagaalanka UGUS. Hay’adaha Amniga waxaa ku waajibay in ay baaraan wadashaqaynta Shabaab iyo Madaxweynihii hore, cid kasta oo haysa macluumaad ku saabsan arrintan hala wadaagaan hay’adaha amniga.” 

Cabdullaahi Goodax ayaa sidoo kale ku baaqay in codad laga duubo Farmaajo, si loo caddeeyo tuhunka ku jira, sida uu hadalka u dhigay. 

“Waxaan ku boorinayaa qof kasta oo uu soo waco Madaxweynihii hore in laga duubo codka si bulshada Soomaaliyeed iyo hay’adaha amniga loola wadaago dhagartiisa iyo jaa’ifada uu dalka iyo dadkaba ku haayo,” ayuu yiri Cabdullaahi Goodax Barre. 

Cabdullaahi Goodax sooma bandhigin wax acddeymo ah oo muujinaya eedaha uu u jeediyey madaxweynihii hore. Dhanka kale, Farmaajo weli kama jawaabin eedahan. 

Dowladdii Farmaajo ayaa aheyd dowladdii ugu xumeyd ee soo marta Soomaaliya marka ay noqoto dagaalka Al-Shabaab, ayada oo shanti sano ee uu dalka hoggaaminayey aan kooxdaas laga saarin xitaa hal degmo. 

Dagaalka hadda ka socda Soomaaliya ee ay iska kaashanayaan dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh iyo shacabka, ayaa muddo shan bilood ah Al-Shabaab looga xoreeyey dhul aad uga badan kii laga saaray shantii sano ee Farmaajo uu madaxweynaha ahaa.